HALKAN KA AKHRI ; MAANSADA “AAFO-QARAN” OO UU CURIYAY ABWAAN MUUSE MADAR CAWAALE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HALKAN KA AKHRI ; MAANSADA “AAFO-QARAN” OO UU CURIYAY ABWAAN MUUSE MADAR CAWAALE.
January 10, 2017 - Written by Editor:

Ismaydoorin Udubkaan Gambiyay iyo kaanu Aargudaye

Labaduba xilkii loo Igmaday way Ajeeyeene

Haddii Aan Ilaah Naga furfurin Dawladdaa Ooman

Misgiiddada Inay Iibiyaan la Arki Doonaaye.

 Waxay Halka Idiinku soo Gudbin Doonaa Maansada ( Gabayga ) ka hadlaya xaalada dhabta ah ee xiligan ka jirta Somaliland iyo sidii xukunka looga tuuray dawladii kali taliska hayd ee Siyaad Bare  waxana Maansadan  curiyay Abwaan Muuse Madar Cawaale

SIdoo kale Maansadan ayaa ka xog waramaysa sida kuwii shacabka xilia u hayay uboobayaan hantidii umada kaasi oo aanay jirin cid hoos u eegta danyarta iyo Agoonta.

HALKAN KA AKHRI GABAYGA  AAFO -QARAN IYO ABWAAN MUUSE MADAX CAWAALE

Caliyoow Araartiisa  Gabay waan Astayn jiraye

Waataan albaabada  uxidhay  erayadaydiiye

Sidii geel ugbaadiyo kunool idhankii buushaale

Amma looga ooddhigay karmaha igu irmaanaaye

Balan eego caawana bartaan ka ambaqaadaayo

Istiqlaalki baaba’ay markii xamar lasoo aaday

Ummaddii an soo ururiyeen aag iskugu keenay

Markii an ardaa wada fureen ehel walaaleeyay

Taladii afwayniyo la eed aragtidiisiiye

Culimada ayaantii udilay uu aasay magaceenna

Aayadaha quraanka ah markuu geeskalaw eegay

Somalidu argagaxii ku dhacay way ogsoontahaye

Oofwareenki uu naguridiyo aramidaa taagan

Eeduhuu sameeyay dunidu la amakaageene

Kala ood dadkii aan lahaa haysku eertaane

Waakii umula doox ka dhacay idil ahaanteede

Markay kala ugaadhawday uu jeesba meel aaday

Sidii adhi dugaag helay markay iniba meel yaacday

Ololaha colaadeed markii loo alaabqaatay

Nin walliba itaalkii  markuu amar la’aan duuley

Atan dheriga iyo kaarihii udubka soo goostay

Awooddii siyaadbaan udhigay madaxa aaroowe

Waxan ahay nin aarsaniyaqaan malintii adage

Waataan ablay kaga dhacsaday aalladdoodiiye

Abbaan duulayaal badan markii ayda lagu laayay

Ambabexe  intii soo hadhiyo oromadoodiiye

Afartaa intaan adakadegay ila xidh mawyeelay

Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede

Ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye

Abaaguridan nagu raagtay  iyo yaydan orinaysa

Ayaxiyo aboorkaa nadagey waa ammuur culuse

Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka maw sheegay

Ma iftiinshay  taariikhdu waa lama illaawaane

Afar kalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye

Ayaantii kadeednayd markuu gelawgu eedaamay

Raggu kala adage wiilashaan aarmigaw dhiibay

Nimankii abaabulay taladi guusha lagu aaday

Nimankii abaaraha umaray oonka iyo daalka

Nimakii abeesada dhulkiyo halaqa oon mooday

Nimankii ardaa qodaxlihiyo uumigaw seexday

Nimankii ateerada ugelay ololka qiiqaaya

Nimankii adeeryada ucunay aaraydiyo diinka

Rajadii abaaddiyo raggii amalka nooleeyay

Ilayskaba kuwii nooshidaa laga ilaashaaye

Eereerku waaguu dhecee uuska lagu maydhay

Fulayaashi waagii ordee yurub u uugaamay

Dalku inu ammaanyahay markuu uumiyuhu sheegay

Iyagoo okholayaal sitay soo arooreene

Markaasaa ishii soo baxdaba laga arsaaqaaye

Afyaroo kalaan soobartay ku andacoodaane

Calankaad arkaysaan kuwi oodahaw jiidhay

Eelloo abaal gudilahaa laga ugaadheeye

Ilaahay hadday garanayaan may illaaweene

Ismaydoorin udubkaan gambiyay iyo kaanu aargudaye

Labaduba xilkii loo igmaday way ajeeyeene

Haddii aan ilaah naga furfurin dawladdaa ooman

Misgiiddada inay iibiyaan la arki doonaaye

 

Afartaa intaan adakadeyay ila xidh mawyeelay

Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede

ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye

Abaaguridan nagu raagtay iyo yaydan orinaysa

Ayaxiyo aboorkaa nadegay waa amuur culuse

Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka mawsheegay

Ma iftiinshay taariikhdu waa lama illaawaane

Afarkalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye

 

Waddankani wanaaggii ambaday uubta lagu tuuray

Ee iilka lagu siiwadee aasidduun sugaya

Ee kaan isdaaficin kakale adhaxda goynaayo

Uqubada lakala iibsadiyo iriqa laaluushka

Axdi dumay aqoon liidatiyo eexadiyo beenta

Indho edebla oo ruux ildaran lagu ilaalaysto

Madax adhiya injir aan dhergayn aragtidii jiirka

Aqli tawafay iimaan qallalay uurka dhagaxoobay

Agabyada lakala boobayeen laysku eedaynin

Arkaan qaad anaa baahantiyo sharafka iimoobay

itaysaha nagu dhiciyo oday qabiileedka

Innamada lakala soocayee loo abtirinaayo

Tahriibtay abuureen ra’yiga laga abaaroobay

Albaabada dhamman nagu xidhmiyo ooddanagu jiidan

Afka hadalka laga leeyihiyo uurka dabistiisa

Arrinkeenna baadida noqdeen cidi abbaaraynin

Ictiraafka aan raad lahayn aba abayintiisa

Isdhexyaaca kala aaminbaxa orodka  soo gaabtay

ii adeeg dhibtana igu amman hana isoo eegin

Intaasoo dadkii eedaybay ku intifaacaane

Saw waxa abniga laga fishaa ayala’aan maaha

Afartaa intaan adakadeyay ilaxidh mawyeelay

Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede

ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye

Abaaguridan nagu raagtay iyo yaydan orinaysa

Ayaxiyo aboorkaa nadegay waa amuur culuse

Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka mawsheegay

Ma iftiinshay taariikhdu waa lama illaawaane

Afar kalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye

Inyaroo tusaala ah haddaan idin ogaysiiyo

Dadkani wuu ayaan daranyahoo waad arkaysaane

Ninna uma tudhoo waayahay ku eryanaayaane

Cashuuraha kuwaa lagu amree suuqa ka adeega

Arrinxumo shantaaboqol kuwaa wali ku eedooba

Golayaasha aafada noqdee uriya laaluushka

iidhiibta nimankaa bartee uunku lacolloobay

Iyagoon ogayn waxa ku jira iinka iyo hoosta

Nimankaa hadday shilin arkaan afartabaw taaga

Shaydaannaddaa urursanee meesha lagu ooday

Kuwa ubacdu waynaatayee agabka soo dhoofsha

Dheecaanka aadmiga kuwaa ku isdareexaaya

Nimankaa alaabaha dhiciyo qudhanka iibkeena

Askariga abeesada noqdee jeebcidkale  eegta

Afka kii ubuuxshaa yidhaa qaata amarkayga

Anfacoodu nimankaa uyahay umadlasoo boobo

Dhakhtarrada dadkoogoo ildaran beenta ku adeegta

Uusmiirka mayd go’ay kuwaa siiya ubadkooga

Qaar yurub ka soo oogsadoo arammi ay jiifto

Oo aan aqoon badan lahayn ururso mooyaane

Iyo koox orgome yaalahoo aradka sii joogtay

Oo  aan anshaxa dawladnimo mella ka aqoonnin

Agaasime kalagu sheego iyo idil wasiiroo dhan

Intaasoo qalbigu wada engegay oo ehelunaareeda

Oo aan adduunyiyo ifkiyo aakhiraw tudhannin

Marka diinta laga soo arrado waalla eedaaye

Nimanka ammanada cunee iilku diidaayo

Balan eegno waxay iibsadeen boqol inkaaroode

 

Afartaa intaan adakadeyay ilaxidh mawyeelay

Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede

Ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye

Abaaguridan nagu raagtay iyo yaydan orinaysa

Ayaxiyo aboorkaa nadegay waa amuur culuse

Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka mawsheegay

Ma iftiinshay taariikhdu waa lama illaawaane

Afarkalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye

Ururkaa ansoo sheegay waa lama illaawaane

Aflameerayaashaa wakhtigu nagu ilhaameeyay

Arxan yarida waxa lagu matalay reer asraa’iile

Indheer garad haddaad moodaseen malaha aataare

Abu jahal sidiisay qalbiga ka ibtiloobeene

Asaxaabti nimankii dhibay ehel wadaagaane

Usgaggii fircooniyo nagruud waysu eegyiine

iimaanka waxay dhuunsadeen aamanuun hore

ooryahooga mooyee cidkale uma adeegaane

saban aakhirkaa lagu arkaa edebla’aantaase

qof adduunyo haystaa ka adag kii itaal darane

agoomihii ay boobeen ayaan cidina eegayne

iyaguna ma aarsani karaan way asqoobeene

ashkatada waxay ulategaan qaar inkaarqaba

magtabadi addoonsaday ayay ku agwareegaane

ilmaday udaadshaan sidii geel abaarsadaye

odayaasha urugaysaniyo dumarka eedaaday

ilahay ka sakaw dawladday eeganaayeene

kuway aamineen bawgu wacan uurku taalada

marhaddii indhaha laga qarsaday waa ayaankoode

 

waxba gabaygu yuu ila ordine waxan ku soo ooday

adduunyadu hadday sii jirtoo waayo lagu oolo

anfariirka suurtiyo haddan malaggu eedaamin

onkodiyo nabsigu waa sidii oogta waabariye

maruumbay ayaan lagu farxaa imani doontaaye

maruumbuu agoon daaje iyo aabbo soo degiye

maruumbuu wanaaggaa ambaday aayar soo noqonne

maruumbaa xaqoo lagu addimo la arki doonaaye

maruumbay ikhaar loo xulaa imani doontaaye

maruumbuu aqoonsigu ku iman idam ilaahaye

dhallin yarada waxaan odhanayaa samirku waa aade

u adkaysta tiinnii marbay imani doontaaye

COMMENTS
LINKS