DAAWA; Abwaan Xasan Daahir Weedhsame Oo Hada Soo Saaray Maansada Cusub Ee “MUDDUCI” Oo Uu Kaga Hadlayo Musuqmaasuqa Iyo Sida Loogu Tagri falayo Hantida Ummada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWA; Abwaan Xasan Daahir Weedhsame Oo Hada Soo Saaray Maansada Cusub Ee “MUDDUCI” Oo Uu Kaga Hadlayo Musuqmaasuqa Iyo Sida Loogu Tagri falayo Hantida Ummada
February 27, 2017 - Written by Editor:

Maalmahan danteenii

Mukur baa ka taliyoo

Sida ruux la maray buu

‘‘Maya’’ ‘‘haa’’ ku ladhayaa

HARGAYSA(W,N)  Abwan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame Oo kamida Abwaanada Dalka Jamhuuriyada Somaliland Marar badana Suugaan ku Cabiray xaalada guud ee uu dalku kugan yahay ayaa Caawa  soo saaray Maanso Cusub Ee Mudduci oo uu kaga hadlayo xaalad somaliland xiligan ku sugan tahay iyo sida loo xalaashaday boobka hanti umada

Maansadan Cusub oo dhawaan soo baxday waxa la yidhaa ”MUDDUCI” Ayaa Wuxuu diirada ku saaray bedkana soo dhigay  musuqmaasuqa iyo sida loogu tagri falayo hantida ummadii lahayd ka macaluulayso.

 

HALKAN KA DAAWO

https://youtu.be/fHF2pkLd96c

 

Maalmahan danteenii

Mukur baa ka taliyoo

Sida ruux la maray buu

‘‘Maya’’ ‘‘haa’’ ku ladhayaa

Marka uu margado buu

Runta sii murginayaa

Miciyuu dirsanayaa

Mixnad buu hadhsanayaa

Makri buu barkanayaa

Hadba boogo malaxliyo

Milil jira guntaasuu

Dusha sare mariidiyo

Maaleey ku dhayayaa,

Masas buu dhaqanayaa

Malmal baanu shidayaa

Hadba good is maray buu

Rajo maax ku sabayaa

Shil mirtuu ka baqayaa

Sharna wuu martiyayaa

Madallooti dhacayuu

Muska reerka dhigayaa

Cidda maasha saraysaa

Magli loo lisanayaa

Xaqa soo mutuxan buu

Kun maxaadh ku mudayaa

Hadba dhiil u madhiyuu

Muddo dhaaf ku lulayaa

Masalooyin ugub buu

Hadba moofle jarayaa

 

COMMENTS
LINKS