Madaxweyne ku xigeenka Jsl, , Oo Tacsi u Diray Qoyskii, Eheladii, , Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu ka Baxay Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan Oo Maanta ku Geeriyooday Dalka Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku xigeenka Jsl, , Oo Tacsi u Diray Qoyskii, Eheladii, , Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu ka Baxay Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan Oo Maanta ku Geeriyooday Dalka Jabuuti.
March 4, 2017 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan oo ku geeriyooday 04/03/2017 Dalka Jabuuti.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ahaa suldaan ummadda u dhex ah oo horumarka dadkiisa iyo dalkiisaba, ka horumariya arrimaha kale, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo nabad kuwada nolanshaha beelaha Somaliland.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

  

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS