Sidee bay Ururada ka Shaqeeya Wacyi-Gelinta xanuunka HIV/AIDS-ku Isku dhex Galin karaan Mashaariicda kale (WQ: Somaliland Y-PEER) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sidee bay Ururada ka Shaqeeya Wacyi-Gelinta xanuunka HIV/AIDS-ku Isku dhex Galin karaan Mashaariicda kale (WQ: Somaliland Y-PEER)
March 17, 2017 - Written by Editor:

Inta badan ururada iyo ha’yaddaha ka shaqeeya xakaymta cudurka HIV-gu waxay ku dadaalaan in ay bulshada kor-u-qaadeen aqoontooda la xidhiidha xannuunka taasi oo looga gol leeyahay in bulshada ka foojignaato ka hortagida xanuunkaasi oo aan daawo lagu bogsado lahayn, balse leh dawooyin qofku ku noolaan karo.

Ujeedada maqaalkan waxa uu daaran yahay sidii ururada bulshada, saaxada iyo jaaamacaddubuhu ugu dadaali lahaayeen in ay wacyi-gelinta xannuunka HIV ku dari lahaayeen waxbarashada ay waddaan iyo mashaariicda kale ee ay waddaan ee la xidhiidhka wacyi-gelinta taranka iyo haday noqoto kala-korinta ubadka.

Haddaba si kor loogu qaado aqoonta bulshada waxa haboon in ay xarumaha lagu xanaaneeyo hooyada iyo dhallaanku ee loo yaqaano xannaanooyinku ay si wad-jir ugu adeegaan hooyada iyo dhallaanka xannaanayntooda iyo wacyi-gelinta xannuunka HIV, had iyo jeer hooyooyinka waxay ku daryeeleen qoosoodka hadba xogta ay hayso.

Ururada bulshada ee ku foogan caawinta iyo taakulaynta bulshada inteeda kale waxay iyagun samayn karaan in ay qayb libaax ka qaataan kor u qaadida wacyi-gelinta xannuunka HIV, siyaabaha ay wacyi-gelinta kor ugu qaadi karaan waxa ka mid in ay ku dhex daraan mashaariicdooda wacyi-gelinta HIV-gii.

Somaliland waxay ugu baaqaysaa bulshada iyo ururada bulshada ka shaqeeya in libin laabaan wacyi-gelinta xannuunka HIV, wixii xogo dheeraad ah ka raadsadaan komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka, goobaha adeegyada caafimaadka bixiya iyo ururada bulshada ka shaqeeya.

Maqaalkan waxa qoray ururka Somaliland Y-PEER

 

COMMENTS
LINKS