Cabudhin, Xadhig Iyo Xoolo Urursi Hore Ayuu Shacabku U Diidey!!!Qalinkii Cabdilaahi Xasan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabudhin, Xadhig Iyo Xoolo Urursi Hore Ayuu Shacabku U Diidey!!!Qalinkii Cabdilaahi Xasan
March 17, 2017 - Written by Editor:

Waxaa si weyn isu soo taraysa dulyaraanta, damqashadda iyo daldaloodda Xukumadda ka muuqanaaya ee ay samaynayaan ama ay ku kacayaan kooxo iyo shaqsiyaad fara ku tirisa oo haykalkii iyo nidaamkii dowladnimo kubka iyo bowdadda ka jebiyey, taasi oo keentay cabanaan iyo culays weyn oo ku dhisan xadhig, cabudhin iyo car juuq dheh.

Aniggu Xisbigga Wadani ma ahi, siyaasadiisanna lama socdo, laakiin waxaan ogahay ixtiraamka iyo xurmadda ku dhisan Wadaniyadda iyo Dimuquraadiyadda ee hawlahoodda ay u gudan karaan had iyo jeer.

cabdilaahi xasan

Waxaan qabaa inay ayaandaro inteedda leeg tahay in xaqoodda iyo xuquuqoodda Asaasiggaa ay waayaan, oo ciidan, hiif iyo handedaad weyn laggu duudsiiyo hawlahoodda ku dhisan doodad iyo cilmi baadhista ee shacabka reer Somaliland laggu warsanaayo dhibka iyo dhamacda aynu kala kulmi karo Ciidan shisheeye oo lagga soo roggo magaala Badeedka berbera, oo ah isha qudha ee dhaqaale oo Somaliland oo dhami eegto.

Waxaan u arkaa ceeb iyo caqli xumo inteedda leeg in Xisbigga Wadani laggu shaanbadeeyo Soomaaliweyn si looggu xoqo gubtahanyo ama looggu dhufto nabaro aan xaq ahayn.

Xaq maaha mana qumanna in lagga horjoogsaddo dhuleedda ay sidda nabadgelyaddaa ugu qabsanayaan dood- cilmiyeedka iyo cilmi-baadhista la xidhiidha Saldhig Ciidan oo lagga bineeyo Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan magaaladda Marsaddaa ee Berbera.

Amuurtaasi haddii aan lagga waantoobin Xisbigga Kulmiye waxuu ku waayi doonnaa kalsooni iyo taageero weyn, waayo shacabka lama odhan karo cabirka fikirkaagga xaq uma lahid, Berbera kama hadli kartid, ciidanka aan keensanayno kama hadli kartid, waxii aan kharibey idhahaaggu ma arki karaan, dad nool haddii aan liqo car juuq dheh.

Gar ayey noqotay in xaqa mucaaridka la ilaaliyo, oo waxii dastuurku xaq u siiyey aan lagga hor joogsan, waar wadda ayaanu leenahay dood cilmiyeedka, qayla-dhaanta iyo diidmadda Saldhigga Berbera oo shacabka reer Somaliland aad ugu kala qaybsanyahay.

Qoladda dhuunyaalaha jabsanaysa mooyaane, Qaranka badankiisu walaac iyo welwel weyn ayuu ka muujiyey Taangiyadda iyo Guutooyinka laysu dalbanaayo.

Iminka ayey kooxdan yari dad cuntahay ee haddii ay awood iyo ciidama inoo helaan malaa aanu idin dhufaanno ayey odhan, ama xiniinyaha keenna.

Waxaan leeyahay kuwa caqligga xun ee dowladnimadda iyo nidaamkeedda ka dhegaha iyo indhaha la, ee kooxda yar ee mamtay ah, waxii Ummaddu iska horkeeni kara ama ay isku dili karto waa in lagga dheeraaddaa.

Wadani ayaa Xamar ku xidhan been weeye iyo Borobagaando laggu jidhdilaayo shacabka xaqa u leh codkoodda in la maqlo oo rayigoodda, aqoontoodda iyo aragtidoodda ka dhiibtaan hawlaha sunta iyo saxariirka ku ah Qarankan maanta.

Xisbiyo ayeynu nahay u kala fadhiya Mucaarid iyo Muxaafid, waxa la boobaayo ee la badsanayaa waa shacabka, ee ma lagga yaabaa in Mucaaridka loo sedburiyo, oo dhankoodda shacabka reer Somaliland loo didiyo.

Mucaarid anagga ayaa soo marnay oo xanuunkeedda iyo xumaheedda og, ee raggaa biyaha iyo darkii lagga fadhiistay, yaan cadaadis iyo canbaarayn aan milge iyo maamus lahayn looggu darin.

Raggu sharaf ayuu leeyahay loo baahanyahay in Muxaafid iyo Mucaaridba loo ilaaliyo, oo waxii ayna geyin lagula kicin marnaba.

Mucaaridka ha loo ogolaaddo dhuleeddda lagga hor istaagey, mucaaridka yaan laggu dhufan nabaro khaldan, waayo xaq ayey u leeyahiin toosin iyo inay Ummadda xaqoodda iyo xuquuqoodda ilaaliyaan, mucaarid macnaheedda ayaa ah khalad ayaad gashay ee sax.

Cabudhin, xadhig iyo xoolo urursi hore ayuu shacabku u diidey, markaa kuma noqon karo dowlad, kumanna jiri karo nidaam ku dhisan cadaalad, isxaqsiin iyo dimuquraadiyad bisil.

 

Wadani halka ugu jilicsan ee aanu ka weerari karaa waa Xamar ayey la haystaan, taasinna waa uun ku jiqsii iyo  halka lagga weerari karo, si Ummadda loogga horkeenno.

 

Ilaahay ayaa cadaaliya ee Cadaaladda hala ilaaliyo, oo Ummadda ha laggu sooro same iyo sax nagga wadda qosliya oo ku dhisan Qarannimo weyn iyo midnimo.

 

Shacabka reer Somaliland sadexda Xisbi ayuu ku qaybsanyahay ee halays dhowrto, marna Ummadda yaan qabyaalad sidda toonta laggu kala dhilin, marna yaan Xisbiyo loo noqon, marna yaan danno iyo xeeladdo khaas laggu maalin Ummadda.

 

Ummadda Guud ahaan maxay dani ugu jirtaa halku dhigga iyo Xigmadda dhabtii weeye, nin danno gaara foofsaday Ummaddu inay fahanto ayey ila tahay.

QALINKII CABDILAAHI XASAN (JON)

COMMENTS
LINKS