DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali Wadaad Yare Iyo Maansada “MAGANSI” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali Wadaad Yare Iyo Maansada “MAGANSI”
March 17, 2017 - Written by Editor:

DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali  Wadaad Yare  Iyo Maansada   “MAGANSI”

Maansadani waxay daba socotaa SILSILADII MIIMLEY ee uu bilaabay abwaan Xasan Daahir Weedhsame.

https://youtu.be/MqUdXNeW2jI

 Afka macallinkiisiyo

Weedhsame markii uu

Tix mudduciya soo qoray

Cabdi Ganey na marag iyo

Hawraar markhaatiya

Farta taagey midigtee

Daaha Gaas maddaacalay

Miiska saaray guudkii

Ee Awaare maandhow

Uu maxkamada soo dhigay

Bawkax hubinta moqorrada

U bud dhigay masaalada

Qalinle na is moodsiis

Ku marriimay garashada

Maryan maati marisee

Deeqa Nuuxna muran diid

Masraxyada ka sheegtee

Milladdana Gallaydh uu

Ka mudh kudiyey meesheed

Hal abuuro maansada

Wada maala gaaxdeed

Balse aanan magac dhebin

Iyaguna midhkoodiyo

Wixii Mawlahood baray

Milaygooda dhiibteen

Badan kood mucaaridad

Muujiyeen wax tabashada

Marin koodu waa daw

Iyo mooshin aniguba

Ka ogsoonay maankoo

Waa wax lala madiixaa

Hayeeshee Madluunow

Midhka iiga soo baxay

COMMENTS
LINKS