DAAWO ; Abwaankii 11aad Ee Kusoo Biira Silsiladii Miimleyda Cali Wadaad Yare Iyo Maansada “MAGANSI”
Maansadani waxay daba socotaa SILSILADII MIIMLEY ee uu bilaabay abwaan Xasan Daahir Weedhsame.
https://youtu.be/MqUdXNeW2jI
Afka macallinkiisiyo
Weedhsame markii uu
Tix mudduciya soo qoray
Cabdi Ganey na marag iyo
Hawraar markhaatiya
Farta taagey midigtee
Daaha Gaas maddaacalay
Miiska saaray guudkii
Ee Awaare maandhow
Uu maxkamada soo dhigay
Bawkax hubinta moqorrada
U bud dhigay masaalada
Qalinle na is moodsiis
Ku marriimay garashada
Maryan maati marisee
Deeqa Nuuxna muran diid
Masraxyada ka sheegtee
Milladdana Gallaydh uu
Ka mudh kudiyey meesheed
Hal abuuro maansada
Wada maala gaaxdeed
Balse aanan magac dhebin
Iyaguna midhkoodiyo
Wixii Mawlahood baray
Milaygooda dhiibteen
Badan kood mucaaridad
Muujiyeen wax tabashada
Marin koodu waa daw
Iyo mooshin aniguba
Ka ogsoonay maankoo
Waa wax lala madiixaa
Hayeeshee Madluunow
Midhka iiga soo baxay