“SIYAASAD erey u Baahan Dhiggiisa Oo Soomaali ah, si Qumaati Luugu fahmo.” Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“SIYAASAD erey u Baahan Dhiggiisa Oo Soomaali ah, si Qumaati Luugu fahmo.” Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham.
March 21, 2017 - Written by Editor:

In-door-ah oo aan u kuur-galay siyaasadda iyo sida Soomaalida badankoodu u fahansan yihiin, waxa iiga soo baxday, in khalad fahan jiro. Kaas oo marin-habowga keenay. Aragtidayda caqligu mus-dambeedka u yahay na, waxa bud-dhig u ah, ereyga siyaasad oo laftiisu ah erey QALAAD, una baahan dhiggiisa oo afkeenna ah, bal si fahanka macnihiisu u soo dhowaado. Haddii dadka aad kula dhex wareegto weydiinta ah; Waa maxay siyaasadi? Jawaabta aad ka helaysaa waxa ay u ekaanaysaa, SIYAASADDU WAA KHIYAAMO.

Dadka caadiga ah ee aan wax baran iyo waayeelka fahankooda ku aaddan siyaasaddu, waxa uu hoosta ka maray ASAL-MA-DOORSHAHA. Aqoon-yahanka laftiisu siyaasadda geed iyo nin uma kala saari karaan. Intaa ba waxa ka sii daran in wadarta siyaasiyiinta Soomaalida laftoodu aanay fahansanayn macnaha runta ah ee siyaasadda. Haddii aad la sheekaysatana, waxa aad ku arki shakhsiyaad ku caan-baxay fagaaraha siyaasadda, dadkuna Idil ahaan ba u aqoonsan yihiin siyaasiyiin oo uu hadh kaga jiro kursiga/xilka iyo siyaasadda.

Bahda suugaanta oo ah kuwa fahan ahaan ugu dhow macnaha siyaasad ayaa iskugu jira kuwo khalad turjumay iyo kuwo ereyo kooban macno badan oo nuxur ah ku soo koobay. Isla markaa, innagaga filan hab-san u fahanka siyaasadda.

Ii ogolaada in aan idiin soo horreysiiyo, mid ka mid ah maansoleyda Soomaaliyeed, ee siyaasadda wax ka yidhi. Waa Maxamed Ibraahim Warsame oo si gurracan u sawiray. Waa aragtidayda caqligu mus-dambeedka u yahaye. Wuxu yidhi:

“SIYAASADI AABBE MA LEH,

Ku daalka abaabulkeeda,

Alooskiyo baaneheeda,

U jeeddo ka keeni maysid.

Waa halkaa barta aan ku kala aragti geddisannahay aniga iyo ninka Rabbi ugu sedka-buriyay qofnimada hodanka ah, waa Hadraawiye. Waxa aan qabaa in dhaqanka siyaasiga Soomaaliga ah yahay ka eedda leh. Gaar ahaanna, sida ay u badan yihiin ee liidnimada ku ah. Isla markaa, dullaysay dadkii ay siyaasiyiinta u ahaayeenna. Hasa yeeshee, siyaasaddu hannaan uun tahay, oo Aadamaha isticmaalkiisa ku xidhan. In ummaddu siyaasadda ku badhaadho iyo in ay ku ba’do waxa jaangooya had ba sida ay fahansan yihiin siyaasadda.

Gun-gaadhkii Hadraawi wuxu eedda saaray siyaasadda. Halka anna aan ka rumaysanahay in aan siyaasaddu eed lahayne, ee halka sartu-ka-qudhantay tahay dhaqanka xun ee siyaasiga.Waxa boogta taabtay oo barta mililka abbaaray (AHN) Tima-cadde. Wuxu yidhi:

Nimankii mashaqaday dhigeen reer ba dhan u moosay,

Suntay nagu mudeen wiilashii la is marti waayay,

Nimankii muggoodu ba ahaa maalin la casuumo,

Muraadkoodu ninkuu ahaa moodhadhkiyo daarta.

Rabbii naxariistiisa janno ha ku galladee, wuxu “Tima-cadde” si toos ah u abbaaray, halka dhibku ka taagan yahay in ay tahay “Nimankaa siyaasiyiinta ah ee dhaqanka xun.” Waa iyaga kuwa ummadda kala dila. Waana iyaga kuwa dhuuni-raacnimada la dayoobay, waxaana dul fadhida murti-maahmaaheedda Soomaaliyeed ee tidhaa; NIN SOORI KAA QAADDAY, WAA NIN SEEFI KAA QAADDAY.

Intaa haddii aan ku soo af-meero, fahankaygii khalad fahanka siyaasadda. Haddii Rabbi xaggiisa laga helo waxa aan uga sii gudbi qoraalladan silsiladda ah, Hoggaanka iyo suugaanta.

 

COMMENTS
LINKS