WAJAALE NEWS

Madaxweyne Kastaba Hoggaamiye Ma Noqon Karo: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Inkasta oo dadka qaar isku qaldo labada darajo, Madaxweyne kasta ma noqon karo hoggaamiye laakiin, hoggaamiye kasta isagu wuxuu noqon kara madaxweyne. Madaxweyne waxa lagu tilmaama in uu yahay shakhsiga ugu sarreeya maamulka dal haysta xasillooni siyaasadeed iyo nidaam dawladnimo oo qawaaniinta iyo sharciga lagu kala dambeeyo, waa madaxa dal dhaqaalihiisu wanaagsan yahay heerka noloshuna celcelis ahaan aad u fiican tahay ama bulshadu u badan tahay dabaqadaha dhexe.

Sidaas awgeed Madaxweyne kasta oo yimaada wuxuun baa looga baahan yahay in uu sii wado ama sii korkordhiyo wixii hore u jiray; laakiin hoggaamiye wuu ka duwan yahay wuxuuna ka soo dhex baxa duruufo aan caadi ahayn sida: waddan dagaal ku jira ama lagu jabiyay oo ‘moral’-ka dadku aad u hooseeyo ama umad rafaadsan oo dagaalo sokeeye ka soo doogtay iyo dal gabi ahaanba burburay oo u baahan in dib loo yagleelo sida Somaliland oo kale.

Wuxuu ka soo dhex baxa dal maamul iyo dhaqaale xumo dishootay oo liiska kala sarraynta saboolnimada dalalka dunida halka ugu hoosaysa kaga jira. Ayaankooda wuxuu u soo baxa bulsho kala qaybsan oo ku dhaw in ay kala dhaqaaqdo markii yididiiladii ay qabeen iyo higsigoodii madmadaw ka galay ama markii dalku galay marxalad sharcigii la iska laabay ama la iska baalmaray oo eexda, qabyaaladda iyo musuqmaasuqu ka noqday dhaqan iyo wax iska caadi ah oo aan laga yaxyixin.

Akhriste hoggaamintu sideedaba waxay ka mid tahay deeqaha Illaahay dadka qaar ku manaysto, tilmaamaha hoggaamiyaha waxa ka mid ah in uu ka horreeyo ama ka aragti dheer yahay dadka caadiga ah. hadaba Somaliland maanta oo kale uma baahna Madaxweyne Siilaanyo oo kale oo aan in yarna ka lahayn hibada hoggaaminta balse ku fiican in laga faa’iidaysto aqoontiisa(Technocrat) haddii uu helo hoggaamiye hawl geliya ama ku shaqaysta.

Waxa laga sheekeeya markii uu ilkaha sare qabay in uu ahaa halyay karti badan oo hal abuurka iyo fikradaha hoggaamiyaha ficil u rogi kara balse isagu aanu hal abuur keeni Karin, sidaas daraadeed umaddu iyaga ayaa ka gar daran haddii ay ka doonan ama ka sugaan wax aanu qaban karin ama aanu u dhalan ama in uu la yimaaddo aragtiyo cusub iyo go’aanno mucjiso ah oo dalku ku badbaadi karo.Waxaad mooda in uu isagu shicibka ka hor si dhiibay, halkii uu xal ka raadin lahaa waxa uu door biday in uu ka muquurto wax kasta oo dhacayaba.

Xaaladda dalku waxay maraysa meel halis ah, waxaba laga baqaya in Qaranimada Somaliland ka soo hadhi waydo maamul xumada iyo masuuliyad darrada Xukumadda talada haysa. Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiye dalkiisa iyo dadkiisa u daacad ah oo ka saari kara saymaha iyo saboolnimada. Dad badan ayaa aaminsan Somaliland in ay noqon karto dal hodan ah iyaga oo doodooda ku salaynaya horumarka dawlado yaryar oo gobolka ahi ay gaadheen sida; Jamhuuriyada Jabuuti iyo Rwanda oo waliba iyadu gaar ahaan ka soo kabanaysa dagaal sokeeye iyo xasuuqii ugu xumaa ee dunida ka dhaca wixii ka dambeeyay dagaalkii dunida ee labaad oo hadana maanta ka mid ah dalalka ugu hodansan Bariga Afrika, kaliya waxay nasiib u heleen hoggaamiyeyaal ‘vision’ leh oo ay ka go’an tahay in ay dalalkooda gaadhsiiyaan heer ay ka horumari karaan dalalka ugu waaweyn uguna khayraadka badan Afrikada madaw.

Ugu dambeyn akhriste bal dhugo murtidan iyo waxa looga jeedo: Ninka Illaahay xoolo la damco dadkeeda ayuu siiya. Sidaas oo kale haddii Illaahay Somaliland dawlad wanaagsan la damci  lahaa wuxuu u doori lahaa hoggaan daacad ah oo aynu mahadino.

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

Exit mobile version