Ku Hamaahsade Madaxwaynaha Hurtiisa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ku Hamaahsade Madaxwaynaha Hurtiisa,
March 23, 2017 - Written by Editor:

Maah-maah soomaaliyeed baa ahayd aduunyada ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban, sidoo kale ninbaa laga hayay laba kastaba isa saarayo wali laba tagoogood ismaan saarin. Waligay kumaan fakarin kumanaan riyoon qof banii aadmi ah ayaa lagu xidhi oo xoriyadiisa looga qaadi habel ayaad isku magac noqoteen, akhriste waan huba in aad adiugna ila qabto in aanay arintaasi suuro gal ahayn  hadda ku darso diiwaankaaga, dunida waxaa laga helay meel arintaasi ka suurogal tahay.

maxamed faarax

Todobaadkan aan ku jirno Mars 2017 ciidanka nabad-galyadu waxay xoriyadiisi ka qaadeen Axmed Maxamed Maxamuud Xadi oo lagu naanayso Siilaanyo, Axmed waa maamule kuxigeenka dugsiga sare ee nuuradiin qaybtiisa wiilasha isla markaana waa nin rer gabiley ah, ku darsoo sababta loo xidhay waa in ay madaxwaynaha jamhuuriyada Soomaaliland isku magac nooqdeen, arin cusubna maaha inay laba qof iskaga mid noqdaan magacdooda oo sadexan ama afaran “isku ekaanshaha oo danbi noqda ayaa inoo hadhsan” Maxamed Miigane iyo Xasan Dhuxul tolow midkee ayaa loo xidhidoona hebel ayaad u egtahay. Maamule Axmed in ay madaxwaynaha isku magac noqdeen waxa dheer in ay xataa naanaysta wadaagaan, sidaynu wada garanayno ahna sida qaalibka ah ilmuhu markuu dhasho waxa u magac bixiya waalidkii, Axmedna waa sidaaso Aabihii Maxamed Ayaa u dooray magacan, Aabo Maxamedna Abihii Maxamuud ayaa magaca u bixiyay, Maxamuudna Abihii Xadi ayaa u dooray magaca, iswaydiintuse waxaytahay Aabuhu in uu wiilkiisa u magac bixiyaa goormay danbi noqotay. Usoo noqo naanaysta, maaha wax meel fog laga doono kaliya inteeda badan waxa bixiya asxaabta kugu xeeran sababo badan way ku baxdaa, hada uma socono inaynu sababaha wax ka taataabano balse waxaan iftiiminaynaa in Axmed Naanaysta Siilaanyo asxaabtiisu u bixisay sababtuna way cadahayoo madaxwaynaha ayay sadex magac wadaagaan “aqligaan arkayaa Axmed asxaabtiisana danbiilayaal ayuu u arkaa”. Ceeb allow astur taliyihi dhamaa ee ciidanka nabad-galyada Ayaaba hubsiimo l’aan saxaafada la hadlaya oo ku leh magacuu soo foojari gareeyay hadda Axmed iyo Maxamed Iyo Maxamuudba way noolyihiin “Saqadhi dabadii pooliskii waa baylah” guntii iyo gabogabadii arintaas markaan dhinacwalba ka eegay dhaafin waayay ku hamaahsade madaxwaynaha hortiisa.

 

QALINKII; Maxamed Faarax Miigane

COMMENTS
LINKS