DAAWO; Madaxweyne Siilaanyo Oo Galabta Kormeer Ku Tegay Dekeda Berbera Iyo Xarunta Sheybaadhka Shidaalka . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxweyne Siilaanyo Oo Galabta Kormeer Ku Tegay Dekeda Berbera Iyo Xarunta Sheybaadhka Shidaalka .
March 25, 2017 - Written by Editor:

Berbera(W,N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira hawlihiisa shaqo ee Gobolka Saaxil ayaa galabta Kormeer muhiim ah ku tegay Dekeda Berbera iyo xarunta shaybaadhka ee Keydka Haamaha Shidaalka Berbera.

https://youtu.be/RMw8_-mB6A4

Kormeerkan madaxweynaha ayaa ahaa indho indhayn uu madaxweynuhu ugu kuurgelayey mashaariicaha horumarineed ee uu dalku ku talaabsaday sanadihii u danbeeyey xukunkana uu hayey madaxweyne Axmed Silaanyo.

kormeer siilaanyo 2

Madaxweynuhu Markii uu gaadhay Dekeda Berbera waxa uu warbiximo ka dhegeystay Farsamayaqaanada ka socda Shirkada DP World iyo qaybo ka mida shaqaalaha iyo masuuliyiinta dekeda oo ku gudo jiray hawlo shaqo oo ay ugu weyntahay balaadhinta iyo casriyeynta dekeda Berbera, waxaanay warbixintoodaasi ku sheegeen in ay waxwalba sidii loogu talogalay ugu socdaan ka farsamo yaqaano ahaan, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta ama maamulkuna ay si wacan ula shaqeeyaan.

kormeer siilaanyo 1

kormeer siilaanyo 3

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeer kaa la mida ku tegay xarunta shaybaadhka shidaalka keydka haamaha Berbera oo madaxweynuhu sanadkiii 2015 xadhiga ka jaray sheybaadhkaasi, galabtana waxa uu ku tegay kormeer isagoo warbiximo ka dhegeystay saraakiisha sar sare ee gacanta ku haya qalabkaasi, iyadoo uu madaxweynuhu ku beegmay wakhti ay gacanta ku hayaan baadhista iyo kala shandhaynta shidaalka. waxaanay madaxweynaha mid mid ugu sharxeen qalabkii ay gacanta ku hayeen iyagoo madaxweynaha u sheegay inay ku guulaysteen mudadii ay gacanta ku hayeen sheybaadhan shahaado sharaf ay ka heleen hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh sheybaadhada shidaalada, kuwaasi oo ku amaanay hirgelinta iyo xil iska saarida shidaal tayeysan inay Somaliland hesho.

COMMENTS
LINKS