Halkan Ka Akhriso Magacyada Dad Xalay Dablay Hubaysani Ku Laayeen Gudaha Magaalada Laascaanood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhriso Magacyada Dad Xalay Dablay Hubaysani Ku Laayeen Gudaha Magaalada Laascaanood
March 26, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in dilal qorsheysan oo is daba-joog ahi ka dhaceen, waxaana goobtaasi lagu dilay laba ruux.

Waxaana rag ku hubeysan Baastoolado ay xalay fiidkii ku dileen gudaha magaalada Laascaanood Alle haw naxariiste, Jaamac Cabdi oo ahaa shaqsi siweyn looga yaqaano magaalada Laascaanood, waxaanay wararku intaas ku dareen in ay goobta ka baxsadeen ragi weerarkani fuliyay.

Sidoo kale waxaa isna xalay gudaha magaalada lagu toogtey nin kale oo lagu magacaabo, CabdiXakiin Ducaane ilaa hadana lama hayo ragii dilalkaasi geystay.

Ilaa hada lama oga sababta keentay dilka ragan hase ahaate ciidamada amaanka magaalada Laascaanood ayaa bilaabay hawl-galo ay ku raadinayaan nimankii dilalkan kala duwan ka geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool

 

COMMENTS
LINKS