War-Deg-dega:Dooxa Dacar Budhuq Oo Qaaday Sadex Qof Oo Saarnaa Gaadhi Seeraf ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-dega:Dooxa Dacar Budhuq Oo Qaaday Sadex Qof Oo Saarnaa Gaadhi Seeraf ah
March 26, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Dooxa waynee u dhexeeya magaalooyinka Hargaysa Iyo Berbera Ee Tuulada Dacar Budhuq ayaa mar dhawayd qaaday gaadhi noociisu Yahay Surve oo ay saarnaayeen laba dumar ah iyo darawalkii gaadhiga, waxaanay ilaa hada wararku sheegayaan in aan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dadkan ayaa damcay in ay ka gudbaan dooxa oo waqtigaa xambaarsanaa biyo baaxad leh taasina ay keentay in uu dooxu qaaday gaadhigii iyo dadkii saarnaaba.

Raxmaadka eebe ayaa xiligan ka curtay inta badan gobolada Somaliland

Roobabkan ayaa waxaa ay ka curteen deegano ka mid ah Gobalada Maroodi-Jeex, Awdal , Gabilay , Sanaag Iyo Hawd

 

 

COMMENTS
LINKS