Dawlada Ingiiriska Oo Joojisay Mashaariicdii Caafimadka Ee Gobolada Barri ka dib Markii Wiil Uu Madaxwayne Siilaanyo Sodog u Yahay kooto loogu Xidhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiiriska Oo Joojisay Mashaariicdii Caafimadka Ee Gobolada Barri ka dib Markii Wiil Uu Madaxwayne Siilaanyo Sodog u Yahay kooto loogu Xidhay.
March 26, 2017 - Written by Editor:

Dawlada Ingiriisku waxay joojisay dhammaan lacagtii ay sanduuqaasi (SDF) ku shubijirtay ee caafimadka loogu tallo galay!!

Hargeysa (W,N) Mashaaricdii  Caafimad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ugu jiray gobolada Barriga Somaliland gaar ahaana Gobolka Sanaag  ayaa guud ahaanba joogsaday, ilo xogogaal ah oo wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in sababta ay mashaariicdaasi ujoogsadeen ay  tahay ka dib markii dawladii lacagta ugu badan bixin jirtay oo ah dawlada Ingiirsku joojisay lacagtii ay ku shubijirtay sanduuqaasi ka dib markii dhammaan Mashaariicdii caafimadka ee Gobolka Sanaag iyo gobolada Barri ay wasaarada caafimadku siisay hay’ad uu leeyahay wiil uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) uu  sodog u yahay oo la yihaahdo Muuse Yuusuf.

sdf

Dawlada Ingiriiska ayaa la sheegay ka cadhootay Mashaariicdaasi kootada loogu xidhay ninkaasi, waxanay joojisay dhammaan lacagtii ay sanduuqaasi ku shubijirtay ee caafimadka loogu tallo galay.

Safiir ku-xigeenka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya danjire Andrew Allen oo dhawaan ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ayaa si dadban u sheegay in ay hakiyeen wadashaqayntii ay Somaliland ay la lahayeen.

Dawlada  ingiriiska ayaa ah Somaliland xidhiidh fiican uu ka dhexeyey mudadii 25 sanno ee Somaliland jirtay basle imika waxa uu u muuqda in isbedel uu yimid.

 

XIGASHO WARGAYSKA WAAHEEN

 

 

COMMENTS
LINKS