Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay in Uu Samayn Doono Guddi-Musdanbeed Arimaha Doorashooyinka Ah Iyo Waxa ay Shaqadoodu Noqon doonto!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay in Uu Samayn Doono Guddi-Musdanbeed Arimaha Doorashooyinka Ah Iyo Waxa ay Shaqadoodu Noqon doonto!!!
March 27, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa uu sheegay in ay shaqadoodu noqon doonto caawinta Gudida Doorashooyinka iyo sidii meesha ay uga saari lahaayeen Wixii qabyo ah ee jira. Madaxwayne Siilaanyo oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Anoo ka duulaya hawsha adage e ina hortaala iyo wakhtiga yar ee aan haysano waxaan magacaabayaa ama aan isku keenayaa todobaadkan Guddi Mus-dambeed ah oo ay ku dhan yihiin Sadaxda Xisbi Qaran Xubno kooban oo Xukumadayda ah gaar ahaan Wasiirada shaqada ku leh arintan Gudida doorashooyinka iyo xubno ka socda dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka,

Waxaan farayaa Guddida Mus-dambeedka ah ee todobaadkan isku iman doona ain ay Gufeeyeen Gal-daloolooyinka jira isla markaana ay ka taageeraan gudiyada doorashooyinka qaranka qorshayaasha loo baahan yahay ee Road Mapka,”

Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa uu dhawaqa gudidan sida uu sheegay ujeedada u ka leeyahay ay tahay sidii aan doorashooyinka Madaxtooyadu aanay ma dambe dib ugu dhaceen.

COMMENTS
LINKS