Afhayeen Dayr Xubintii Ugu Asluubta Iyo Haykalka Fiicnayd Afhayeenadii Soo Maray Madaxwayne Silaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeen Dayr Xubintii Ugu Asluubta Iyo Haykalka Fiicnayd Afhayeenadii Soo Maray Madaxwayne Silaanyo
March 29, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)FAALO .Madaxwayne Silaanyo ayaa tiraba labajeer  u magacaabay  xafiiska afhayeenka madaxtooyada  xubin aad ugu haboon kuna diirsadeen shacabka Somaliland, waa Afhayeen Eng. Xuseen  Aaden Cige (Dayr) Oo ilaa xiligan haya xilka Afhayeenimo isaga oo xilkan si rasmi ah ula wereegay 4 november 2015  waxaanu  xilkaasi kala wareegay afhayeenkii ka horeeyay   Axmed Saleebaan Dhuxul  waxaanu durbadiiba  Eng Dayr wax wayn ka badalay habsami u socodka shaqo ee xafiiska afhayeen nimo ee qasriga madaxtooyada isaga oo hawl karnmadiisa shaqo ee qaranka  ku kasbaday in uu booskan madaxwayne Silaanyo Uga sii gudbiyo dhinaca wasiirka Ganacsiga oo uu xilkaas la wareegay 21 febauray 2016 balse waxa mar kale qasriga madaxtooyada laga tabay hufnaantii shaqo  ee  Eng.Xuseen Aaden Cige (Dayr)taas oo khasabtay in  mar kale uu ku noqday  xilkii afhayeennimo oo uu  u igmaday Madaxwaynaha Somaliland   ilaa waqtigana uu hayo xilkaas.

Hadaba Afhayeenka madaxtooyada Eng, Xuseen Cige  Dayr ayaa ah xubinta ugu aqoonta badan ee soo mara xafiiska afhayeenimo tan iyo intii uu madaxwayne Silaanyo qabtay talada dalka, waxaana inta badan farta lagu fiiqaa sadex masalo oo uu kaga duwan yahay sadexdii afhayeen  ee kula jamaca ahaa afhayeenimada qasriga madaxtooyada, waa ta hore ee afhayeen Dayr waxa uu kaga duwan yahay afhayeenadii ka horeeyay dhinaca xidhiidhka Bulshada isaga oo ah masuul aad u degen oo inta badan qadariya bulshada xilka loogu dhiibay oo uu ajiibo balamaha shaqo ee uu la galo bulshada.

Waa ta labaadee Eng. Afhayeen Dayr ayaa  kaga duwan afhayeenadii ka horeeyay  dhinaca xidhiidhka saxaafada isaga oo nidaam kala dambayn ah u sameeyay habka wartabineed ee aqalka madaxtooyada  Waxaanu fursad siyaa wariyayaasha in ay su,aalo badan waydiiyaan halka aanay kuwii ka horeeyay siin jirin wax fursad ah sidoo kalana ka qanciya wariyayaasha hadba wixii  su,aal ah ee  ay qabaan, waana afhayeenka kaliyaata  ee ay si toos ah marwalba su,aalo  ay ula boobaan warbaahintu, waxaana mudadaa uu joogay sii xoogaystay xidhiidhka warbaahinta uu la leeyahay  xafiiska madaxtooyada iyo dhawrsanaanta hawlaha qaranka,marka laga reebo saxaafada qaar ku qalda shaqada xafiiska hunguri iyo dano gaar ah oo ka baxsan hawlaha qaranku u igmaday masuulkan.

Waa sifada sadexaadee Afhayeen Dayr ayaa ah masuulka ugu haykalka wanaagsan dhinaca asluubta shaqo ee looga baahan yahay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, isaga oo hab qurux badan oo ay ka muuqato shaqada xafiiskani u horyimaada bulshada si tartiib tartiib ahna bulshada ula socodsiiya safarada madaxwaynaha iyo hadba shaqooyinka uu u baxo madawaynuhu.

Si kastaba ha ahaatee madaxwayne Silaanyo ayaa la filayaa in uu wareegtooyinka soosocda dalcsiin ku sameeyo masuulkan uu  madaxwayne Silaanyo u bogay hawl karnimada Ilaahay ku ilhaamiyay iyo daacadnimada shilis ee uu hawlaha qaranka kula tacaalo.

Prof. Axmed Ali Huseen

COMMENTS
LINKS