Madaxwaynaha jsl oo Tacsi Udiray Qoyski Iyo Shacabka Somaliland Ee uu Baxay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Marxuum Mujaahid Cabdikariim Xaashi Cilmi Oo Caawa ku Geeriyooday Dalka Hindia, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl oo Tacsi Udiray Qoyski Iyo Shacabka Somaliland Ee uu Baxay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Marxuum Mujaahid Cabdikariim Xaashi Cilmi Oo Caawa ku Geeriyooday Dalka Hindia,
March 30, 2017 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Agaasimihii guud ee wasaaradda Gashaandhiga Somaliland, Marxuum Mujaahid Cabdikariim Xaashi Cilmi oo caawa (30/03/2017) ku geeriyooday Dalka Hindia oo uu xaalad caafimaad u joogay marxuumku maalmahan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey udub dhexaad ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, kuna suntan taariikhda halgamadii kala duwanaa ee loo soo maray madaxbanaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii qaybta libaax ka qaatay dib u dhiskii iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxaanu xilal muhiima ka soo qabtay qaranka Somaliland, wakhtigan uu geeriyoodayna qaranka u  hayey xilka Agaasimihii guud ee wasaaradda gashaandhiga Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada qaranka, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka,  qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin…

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS