Maxaad kala Socotaa Hadimooyinka Qaawan Ee Uu Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi (Osaama) kula kaco Masuuliyiinta Dhigiisa ah Iyo Burburka Ay Uhorseeday Wadashaqayntii Haayadaha Dawlada.!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad kala Socotaa Hadimooyinka Qaawan Ee Uu Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi (Osaama) kula kaco Masuuliyiinta Dhigiisa ah Iyo Burburka Ay Uhorseeday Wadashaqayntii Haayadaha Dawlada.!!
April 3, 2017 - Written by Editor:

Maxaa Keenay In Wasiir Maxamuud Xaashi (Usaama )  Colaad iyo Weerar Qaawan Ee Uu  Ku Hayo Masuuliyinta Dhigiisa ah Iyo kuwo ka sareeya ee Dasruurka Xilkooda Qeexay??

Hargaysa (Wajaalenews) Tan iyo Intii uu Talada dalka ku guulaystay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxay Masuuliyiintiisa golaha xukuumadu ay  tirsanayeen  in uu eex iyo sad bursiimo siiyo wasiirada  ay isku haybta yihiin madaxwayne Silaanyo iyaga todobadaa sano ee uu madaxwaynaha ahaaba aanay jirin haba yaraatee Wax wasiir ah oo ay isku hayb yihiin madaxwaynaha  oo uu ku sameeyay xil ka qaadis  amaba la awood ah wasiirada la mid ka ah sidoo kalana ay taasi u dheertahay in mar walba wasaarada madaxtoyada  u magacaabo wasiir ay isku hayb yihin kaas oo si dheeraada ugu tagri fala awoodaha qaranka ee uu distoorku madaxwaynaha siiyay  kagana faa,idaysta siyaabo qaldan balse ay inta badan tunka ku qaataan wasiirada ay isku haybta yihiin dhamaan awoodihii qaranka,

Kuwaasi oo inta badan jaan gooya isku shaandhaymaha uu samaynayo madaxwaynuhu sameeyo ,xaraashka iyo boobka hantida qaran iyagoo badanka raadwayn ku leh  xilka ka qaadida masuuliyiinta la faca ah taas oo macneheegu yahay in wasiir wasiir la mid ah xilka ka qaado ka uu doonayana isagu soo magacawdo. Ay dalka ka dhacday intan ay jirtay xukuumada madaxwayne siilaanyo.

wasiir maxamuud xashi usaama

Wallow uu wasirka madaxtooyada ee xiligani ka ka duwan yahay wasiirkii isagu xilkan  uga horeeyay kaasi oo uu dheeryahay dagaalo hoose oo uu ku hayo xubno gaara sidoo kale uu khabiir ku yahay kala qaybinta bulshada iyo soo noolaynta colaado xiliyo hore dhacay.

Hadaba waxaynu qorameedanan soo badhigo doonaan dhaawacyada uu wasiir maxamuud xaashi ku burburiyay hanaankii wada shaqayneed ee xafiisyada dawlada iyo  qaraabo kiilkan ku gadaaman aqalka madaxtooyadu in gabi ahaanba sobobay in ay xidhmaan xafiisyadii madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ah xafiis ku yimid rabitaanka shacabka iyo codkooga kaas oo ah mansabka labaad ee ugu sareeya xukuumada balse mudadan uu madaxwayne Silaanyo xilka hayay waxay dhamaan awoodihii uu lahaa madaxwayne ku xigeenku gacanta u gashay wasiir Maxamuud Xaashi  Cabdi (OSAAMA)oo ay isku hayb yihiin madaxwayne Silaanyo,

saylici

kaas oo nidaam qaraabo kiil ah ku xuurtaystay awoodii madaxwayne ku xigeenka waxaanay tani  albaabada u laabtay xafiiskii madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo haba yaraatee wax shaqo ah oo uu qabto aanay jirin balse xilkii qaranka ee uu u igmaday shacabka Somaliland  waxaana nidaam qaraabokiil ah ugu shaqaysta wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Sidoo kale awood maroorsiga wasiirka madaxtooyada ayaa si gaara usaameeyay xubanhan kazoo jeeda gobolka gabiley oo uu wasiir maxamuud xaashi caadaystay in kuraastii ay xukumada ku lahaayeen si khaldan ugu laaluusho xubno kazoo jeeda gobolka saaxil oo ay xukuumadani xaraash ku samaysay goobihii ugu muhiimsanaa,Gobolkaasi taasi badalkeediina laga dhigay in kuraas iyo dhaqaale lagu kasbado xubno iyagu dheef raadiska ah ee kazoo jeeda saaxil.

Hadaba maxay daaran tahay colaada iyo cunsuriyada uu wasiir maxamuud xaashi ku hoyo wasiirkii hore  ganacsiga ahna afhayeenka xiligan Eng Xuseen Aadan cige Dayre oo isagu mudadii uu joogay wasaarada ganacsiga ku talaabsaday arimo muhiim u ah qaran suurtana galiyay in ay  mudo xileedkiisii shirar calculus oo kor u qaaday samcadii wasaarada ganacsiga, ka dhacaan dalka gudhiisa iyo dibadiisaba,

DAYR 2

Masuulka ayaa xilka ka hor Ahaa xubinta kaliya ee guulaha xukuumada siilaanyo ay gaadhay kusoo bandhiga qoraalo badan sidoo kale xukuumada ka difaaca eedeha uga yimaada mucaaridka .

Eng xuseen dayr ayaa tan iyo intii loo magacaabay xilka wasiirnimo waxaa dagaal cunsuri yaraysan iyo cunfi dheeraada ku hayay wasiirka madaxtooyada maxamuud xaashi Osaama kaasi oo markii danbe sobabay xataa in kursigii wasiirnimo laga tuuro laguna  laaluusho reer saaxil iyo iyadoo uu qorsheheega lahaa wasiirkan aan kor kusoo sheegay cunfiga iyo colaada wasiiran uumeesha kaga saarayo awooda masuuliyiinta reer gabiley wasiirkii hore ee ganacsigu taa kuma ay joogsan balse waxay hada la kowsatay xilkii afhayeenimo ee dib loogu soo celiyay xuseen dayr in maxamuud xaashi oo  bilaaba sidii uu u baabiin lahaa isagoo isla xubin reer saaxil ah dul keenay shaqadii xafiiska afhayeenka madaxtooyada kaasi oo uu sameeyay agaasime uu leeyahay wuxuu qaabilsan yahay xidhiidh ka warbaahina iyo madaxtooyada .

Inkasta oo wasiirkii hore ee ganacsiga xiligana ah afhayeenka madaxtooyada ay shacabku iswaydiinayay sobobta uu marwalba ugu dul qaadanayo khaladaadkan joogtada ee kaga imanaya wasiirkan awooda khaldan ku tagri falaya iyo  sidoo kale ujeeda uu uluminayo awoodii iyo sharaftii   shacabka uu kazoo jeedo ee gobolka gabiley, taasi dadka qaar ay ku sheegeen in afhayeenka xiligani  yahay mid isagu marwalba udulqaata arimo aan shacabkii uu kazoo jedday raali galinay taasi oo ay dadka qaar ku dhaliilaan masuulkan.

Si kastaba ha ahaatee qaskan maamul ee hadheeyay qasriga madaxtooyada oo uu qayb ka yahay wasiirka madaxtootadu ayaa hadii talaabo lagu saxayo wada shaqaynta xafiisyada dawlada iyo kuwa madaxtooyada laftooda sobobi doonta taariikh madow oo lagu xasuusan doono maamulka siilaanyo iyo dhabarjab ka ay  noqon doonto habsami u socodka shaqo ee ee qasriga madaxtoyada oo ah  halka laga dhaqaajiyo ama ijiinka shaqada qaranka. Iyo sidoo kale kalsoonidii ay xukuumada siilaanyo u hayeen shacabka reer Somaliland ,

LASOCO QAYBAHA DANBE OO AAN KU EEGI DOONA MASUULIYIIN KALE

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS