WAJAALE NEWS

Ha Iska Xumbeyn; Waxa Diyaariyey Cabdilahi Beershiya…

Dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay amma horaantii sannadkan aynu ku jirno ayaa waxa masaajid aanu ku tukanay salaad Maqrib oo suuqa Hargeysa dhexdiisa ku yaalay ka kacay nin wadaad ah oo dadka ku waaniyey inay ka dheeraadaan ku dayashada dadka aan islaamka ahayn gaar ahaan dadka Kiristanka ah oo xilligaasi ku jirey xuska maalmaha ciiddooda ah ee dabayaaqada bisha diisambar.

Wadaadkii sidii uu wacdiga u waday ayuunbuu yidhi; “ Gaaladu xuskan ay sameynayaan wuxuu daliil iyo cadayn u yahay inay diinteenu tahay mid xaq ah oo aanu md-madaw ku jirin…..” markii u halkaas marayey ayaan woxogaa waxaan ku mashquulay oo aan is weydiiyey horta inagu ma nahay dad ku muransan in diintoodu xaq tahay iyo in kale? maadaama dadka somaalida ah 100% muslim yihiin ma lagala hadli karaa maanta gaaladu waxay sameynayaan waxa u daliil u yahay saxnimada diinteena.

markii aan woxogaa rogrogay ee aan dib u xasuustay qaar ka mid ah buuggaagta laga qoray arrintaasi ayaa waxa ii soo baxday inay dhammaantood ku wajahan yihiin dadka aan hore islaamka u ahayn oo had iyo jeer lagala doodo waxyaabaha ay sameeyaan iyo siday diinteenu uga hadashay haday tahay dhinaca cilmi-baadhisyada sayniska iyo tiknoolajiyada.

Qarbigii ina dhaafay dhexdiisii ayey culimada islaamku xoogga waxay saareen inay wax ka qoraan arrimo badan oo reer galbeedka dhex yaala oo diinta islaamku ka hadashay kuwaas oo uu budhig u ahaa kobaca iyo horumarka laga gaadhay dhinaca sayniska, waxay buuggaagtaasi u badnaayeen qaar ka waramaya mucjisooyinka Quraanka iyo sidduu u tilmaamay waxyaabo badan oo maanta aqoontu tijaabisay.

Haddaba marar badan oo dadka wax loo sheegayo ayaanu wax sheegaasi ku haboonayn waaqica iyo dadka loo sheegayo toona oo ay uga baahi badan yihiin in looga waramo wax kale oo manaafacaad dhaama, waxa la is odhan karaa inkasta oo dadka diinta sheegayaa ay dedaalayaan hadana qaar ka mid ah ayaa marar badan ka qayb qaata jahaawreerka dadka haysta.

Dadkeenu waxay ku dhego barjoobeen in dadkii siyaasada ku jirey ay intooda badan meel cidlo ah ka xunbaynayaan oo cid kastaa ay hayso shaqo aanay lahayn, arrimihii loo igmadayna ay dayacan yihiin, waana ta keentay in wasiirada iyo raga kale ee madaxada ah mid waliba uu u jawaabo qof reerkooda ah oo dawlada ku mucaaridka ah, iyada oo u jeedadu tahay inay difaacaan ash-khaas ay ka rabaan maslaxad gaar ah.

Waxa arrintan aan qoraalka ku bilaabay i xasuusiyey maalmahan waxa dalkeena ka socotay hadal haynta koox isku magacaywday Saadicuun oo sheegtay inay yihiin fuf dadka uga baaqaya inay diinta islaamka soo galaan, arrintaas oo ay ka dhalanayso inay dadkeenu markii hore aanay ahayn islaam.

Culimada ka hadashay qaar ka mid ah waxay arrinta u bedeleen ka hadalka shaksiyaad taariikhda soo maray oo aan maanta nooleyn iyaga oo tilmaamay inay ka soo bilawdeen jeelasha wadanka Masar waqtigii u dalkaasi haystay madaxweyne Anwar Alsaadad, laakiin miyaan la odhan Karin aragtida in dadka diinta laga saaraa wuxuu ku bilawday dadkii diidanaa maamulkii Cali Binu Abii Daalib oo kooxo ku kacsanaa ay ku sheegeen inuu gaal yahay ugu dambayentiin ay dileen.

aniga waxay ila tahay in dad beri hore buuggaag iyo kutub qoray in lagu mashquulo oo dadka lag jaha wareeriyo fikir qofka wax sheegaya u gaar ah waxa ka qiimo badan in la saxo fikirka qalooca ee aan ku habooneyn dadka islaamka ah, haddii se la yidhaahdo iska ilaaliya akhriska buugga noocaas ayey dadkaasi akhriyaan, miyaanay ka dhalanayn in la tuuro buug kasta oo u akhriyey xataa haddii u akhriyo kitaabka Qur’aanka ah.

waxaan is leeyahay wacyi gelintu waa hab la wada wadaago oo aan ku kobneyn cid gaar ah sidaa darteed waxa haboon in dhammaan bulshadu ka wada qayb qaadato wacyi gelintaasi oo aanu si gaar ah u lahayn qof wadaad ah amma qof xil dawladeed hayaa, waxa si siman u waajibkaasi u wada saran yahay aqoonyahanada kala duwan ee bulshadu leedahay. Dhammaad.

Exit mobile version