Halkee Ayay ka Bilaaban Tahay Qalooca Iyo Afduubka Ay ku Dhaqmaan Asxaabta Siyaasada Somaliland?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkee Ayay ka Bilaaban Tahay Qalooca Iyo Afduubka Ay ku Dhaqmaan Asxaabta Siyaasada Somaliland?.
April 25, 2017 - Written by Editor:

FAALO;  (Taariikhdu waa run kama rays lagumana sargooyo subaxaa waxa jooga ee xagee ay iska metalaan axsaabta siyaasada ee la kala wareegtay talada qarankan Somaliland ee KULMIYE iyo UDUB, maxaa loo waayey xisbi murashaxa madaxweynaha ay ku tartamaan laba murashax iyo in ka badani?)

ISBARBARDHIGANI MAAHA MID WAX QABADKA IYO SHAQADA MUDOOYINKII AY JIREEN LABADAA XISBI EE WAA MID HANAANKA IS DOORASHADA IYO SHIRWEYNEYAASHII AXSAABTA.

Akhristoow halkan waxa aan kuugu soo bandhigayaa halka qalooca axsaabta inaga soo raacay iyo qaabka loo majaro habaabiyey hanaanka doorashada xorta ah ee axsaabta gudahooga waxa aanan gaar ahaan aynu ka hadli doonaa labadii xisbi ee talada qaranka la kala wareegay waa UDUB iyo KULMIYE ee bal dhugo.

Somaliland tan iyo ilaa maalintii loo guuray hanaanka Axsaabta badan oo ahayd sanadkii 2001 ayaa aanay dhicin in xisbi qaran gudihiisa lagu dhex tartamo oo si xor ah xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi u kala saaraan tartamayaal isku soo taagay doorashada murashaxa xisbiga ee madaxwaynenimo waa suaal aad la inooga dhex guuxda had iyo jeer.

Hadaynu taariikhda dib u raacno, Xisbigii talada dalkan soo bilaabay ee UDUB ayaa waxa uu hoolka shaqaalaha dawlada ku qabsaday shirweynihii xisbigiisa ee lagu dooranayey xubnaha golaha dhexe xoghayaha, gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga shirweynahaasi wuxuu socday JUN 30 ilaa JULY O7 sanadkii 2001 waxaana lagu doortay xubnihii golaha dhexe xoghayihii xisbiga oo noqday DR Abdi awdaahir AHN iyo Madaxweyne Egal oo loo doortay.

M, DHIMBIIL

gudoomiye iyo waliba Daahir Riyaale oo gudoomiye ku xigeenkii xisbgia noqday maadaama uu madaxwayne ku xigeen ahaa,

Taariikhdu markii ay  ahayd 03 May 2002 ayaa waxa geeriyooday Egal madaxweynihii Somaliland ahaana gudoomiyihii xisbiga Udub AHN, waxaana si toosa loogu doortay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin sida uu Dastuurka Somaliland sheegayay si uu dalka doorasho u gaadhsiiyo si loo soo doorto madaxweyne codka shacabka xafiiska ku fadhiya, hadaba dabayaaqadii sanadkii 2002 ayaa xisbigii UDUB si degdeg ah loogu dhawaaqay in uu qabanayo shirkii Murashaxa xisbiga lagu dooran lahaa, waxa is sharaxay oo iclaamiyey in uu u taagan yahay Madaxweyne DR Abdi Awdaahir oo ahaa xoghayihii Guud ee xisbiga taariikhdu markay ahayd 03/11/2002, waxa isla 05/11/2002 shir degdeg ah madaxtooyada Somaliland ku galay xubnihii fulinta ee xisbiga Udub oo uu gadhwadeen dadban ka ahaa madaxweyne Daahir Rayaale .

Waxa shirkaa laga soo saaray warqad dheer oo qoraal ah oo qodobaysan oo uu ku saxeexan yahay ISMAIL MIRE oo ka mid ahaa Golaha fulinta Xisbiga Udub isla markaana ahaa xubin golaha wakiilada Somaliland ah, qoraalkaa waxa lagu cadeeyay in gabi ahaanba xilkii laga qaaday xoghaye DR Abdi Awdaahir laakiin uu sii ahaanayo xubintii golaha dhexe islana sharixi karo Daahir Rayaale oo Madaxweyne u sharaxnaa waxaana xoog lagaga saaray xafiiskii uu xoghayaha ka ahaa ee xisbiga oo ciidan la dhigay, Dr abdi awdaahir dacwad ayuu u gudbiyey maxkamadii sare ee dalka oo uu ku codsanayo in aan sifaha noocan ah lagaga qaadi Karin xilka xoghayenimo oo shirweyne gole dhexe lagu doortay shirweyne gole dhexena lagaga qaadi karo, taasi cidi dhag jalaq uma siinin.

Waa barta uu inaga soo raacay in qofka hogaanka ah in loo afduubo xisbiga waxaanan odhan karaa DAAHIR RAYAALE KAAHIN hadii uu amaan badan qaatay taasina isaga ayey dulsaaran tahay oo iyadana dhaliishada leh waana ninkii koowaad ee wax umadu wada leedahay afduubay isaga oo si xora u tartami karaya waliba madaxweyne qaran ah inta uu xubnihii Hanka lahaa badhna u diray safar dibadeed badhna laga hor istaagay goobtii gole dhexe oo dheeraadana oo dhawr iyo lixdan xubnood ahna (60+) ku darsaday xisbigii UDUB halkaana hool degdeg loogu doortay.

Waxa isaguna dhacay shirweynihii koowaad ee xisbiga KULMIYE taariikhdu markii ay ahayd bishii FEB 2003 waxa isagana si buuq ka jiro loo deedafeeyay rag waaweyn oo xisbiga Hanti iyo tacab ka soo galay oo uu ka mid ahaa Cabdi Xasan Buuni iyo Maxamed Rashiid sh xasan oo ku tartamayey jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga wallow doorasho dhacday hadana waxa la doortay Muj Abdirahman aw cali oo siilaanyo oo Murashax madaxweyne ahi watay iyo kooxdiisii, Halka aan Mudane Ahmed siilaanyo isagana cidi kula tartamin kursiga murashaxa madaxweynenimada Somaliland ee xisbiga KULMIYE.

Hadaba waxa la galay doorashadii waxaana ku guulaystay Xisbigii UDUB ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Hogaaminayey waliba doorasho madmadow badani ku jiray oo dhalisay muran badan ayuu ku soo baxay waxa uu dheeraaday xisbigii KULMIYE tiro codad ah oo lagu sheegay 80 cod oo kaliya, intaa waxii dambeeyay waxa la soo galay jawi mucaarid adag iyo muxaafid u jilib dhigayey in Mudo ah.

Xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu qabsaday shirweynihiisii labaad sanadkii 2008 bishii March ee lagu dooranayey murashaxa hogaamin doona 5 ta sano ee dambe xisbiga shirweynahaasi waxa uu ka dhacay magaalada BURCO gaar ahaan hotelka CITY PLAZA cabsi weyn iyo muquunin uu ku hayey xisbi xaakimka ama ay ka baqayeen kala jab xisbiga gudihiisa ah, Hadaba waxa xusid mudan in shirkaa uu tagi waayey gudoomiye ku xigeenkii xisbiga KULMIYE oo mudane MUUSE BIIXI CABDI ahaa iyo Xoghayihii lagu doortay shirkii ampassador Hotel lagu doortay sababo xisbiga gudihiisa ahaa aakhirkiina ay ka qayb galeen, waxa uu ahaa shir xasaasiya oo bulshada reer Somaliland indhaha ku hayso maadaama laga niyad jab sanaa hogaamintii xisbigii udub, waxa ka dhacay isagana buuq iyo kala jab inkasta oo aan AHMED SIILAANYO kursigiisu tartan galin waxa booskii laga saaray MUJ Abdirahman Aw cali oo ahaa ku xigeenkiisii waxaana lagu badelay Mudane SAYLICI madaxweyne ku xigeenka hadda, waxa halkaa ka baxay oo ka dareeray masuuliyiin miisaan leh oo gaadhayey 55 xubnood, waxa aan xasuusta markiiba haldoorkii dalka iyo aqoonyahankii ayaa  u gurmaday si aan UDUB dib ugu soo noqon .

Markii uu dhamaaday teeramkii madaxweynaha ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu qaban waayey duruuf kastaa ha jirto ee doorashadii waxaana ay dib u dhacday dhawr jeer isaga oo kursiga ku gaadhay ilaa 8 sano in uu madaxweyne ahaado, Hadaba markii la isku diyaarinayey tartankii dambe ee doorashada madaxtinimada xisbiga UDUB ayaa waxa dhacday in 5 FEB 2009 lagu kala jabay doorashadii xisbiga ee murashaxa ka dib markii qodobo samays ah lagu daray xeerkii xisbiga oo la sheegay in aan la isla sharixi Karin Madaxweynaha Maadaama oo uu guulaystay Teeramkii hore waxaana mar labaad loo cumaamaday in uu murashax noqdo madasha oo buuq ka dhacay oo rag gacan taageen uu ka mid ahaa ISMAIL ADEN OSMAN (ISMAIL YARE ) markii la yidhi yaa murashax ahna waxa lagu diray ciidan oo dibada ayaa looga saaray.

Waxa iyagana loo diidayba in ay soo galaan shirkaba isbahaysigii isbadal doonka xisbigii UDUB oo u badnaa aasaasayaashii xisbiga UDUB oo uu hogaaminayey Mudane Abdilahi Hussein Iman dirawal oo iyaguna hotel kale ku qabsaday shir laakiin ciidamo la dul dhigay xoogna lagu muquuniyey, taasi waxa ay dhashay in xisbigii UDUB oo awalba aan kalsooni weyn Umada ka haysan uu halkaa ku waayo dadweyne tiro badan oo taageersanaa yidiidilona ka filayey in uu isbadel gudihiisa ahi ka dhici doono.

Waxaa arinkani taageero cudud iyo laxaad weyn leh siiyey xisbigii weynaa ee mucaaridka ahaa ee KULMIYE oo doorashadii madaxweynaha Somaliland ku guulaystay 26 JUNE 2010 cod kala badh dadkii dalka ka codeeyay halka labadii xisbi ee kale qaybsadeen intii soo hadhay waxaana ay natiijadii noqotay sidan.

UDUB :  178,881 = 33.23 %

KULMIYE:  266,906 = 49.59 %

UCID:  92,459 = 17.8 %

Hadaba markii la gaadhay shirweynihii 3aad ee xisbiga KULMIYE ayaa waxa sanadkii 2014 kii loo doortay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye dooraasho in mudo ah la isku haystay Mudane MUUSE BIIXI CABDI, waxaa hadaba ka dhacday xiisad layaab leh markii isla maalmo ka dib uu MUJ MUUSE BIIXI ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada dalka oo uu sheegay in uu kula tartami doono madaxweyne siilaanyo,  waxa ay ahayd wax wanaagsan in la tartamaa oo madaxweyne SIILAANYO iyo Ragii kale ee Hanka lahaa ee xisbiga ku jirayba gole si xor ah loogu tartamo xisbiga KULMIYE na waxa uu ahaan lahaa Xisbi dimuquraadiyada iyo hanaanka is doorashadu ka hirgashay oo waligii aan quluubta dadka ka bixin, Hadaba waxa dagaal culus oo rabshado ka dhaceen lagu qaaday MUJ MUUSE BIIXI oo ay ku qaadeen Koox siyaasiyiin xukumada ah oo siilaanyo watay ilaa lagaga yeedhsiiyay waan tanaasulay.

Waxa hadan dhacday isbadal layaab lahaa oo marqudha Siilaanyo go’aan ku qaatay in aanu isagu sharaxnayn laakiin uu taageerayo Muuse Biixi kaasi oo dhaliyey in xukuumadii ku kala jabtay oo rag badani dibada uga yaaceen cadho ay ka qaadeen Madaxweyne siilaanyo maadaama oo isagu marka horeba dagaal galinayey sababta keentay in uu isbadelona taasi ka dhacday, waxaana samaysmay isbahaysiga dimuqaridiyad doonka KULMIYE oo in mudo ah ku doodayey in shirweyne sharciya oo xor ah oo xalaal ah la qabto laguna tartamo, oo Muuse biixi iyo kooxdii uu watayna markoogii ayey awood isticmaaleen halkay caqliga maali lahaayeen oo in la isku yimaado oo la tartamo ka shaqayn lahaayeen, taasina may dhicin oo waxa bishii NOV 10 2015 kaligii la caleemo saaray in uu u sharaxan yahay jagada madaxweynenimada xisbiga KULMIYE halka lagu tartamay doorasho aan aad u cadayn iyaduna jagada Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo uu Mudane Saylici kula tartamaye DR Saleebaan Xagla toosiye, Arintaasina waxa ay niyad jabisay dad badan oo u hanweynaa in xisbiga kulmiye marlabaad talada qaranka ku soo noqdo, waxaana loo yaacay xaga xisbiga WADANI oo la danaynayo in uu isagu curdin yahay lana toostoosin karo.

Isku soo wada duuboo waxa isaguna qabsoomay shirkii xisbiga ugu da’da yar axsaabta qaranka Somaliland ee WADANI 18-22 OCT 2016 waxaana in mudo ah guux ka yar taagnaa cida loo qaadanayo jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga, WADANI waxa uu kala siman yahay UDUB iyo KULMIYE in aan lagula tartamin murashaxa Gudoomiyaha xisbiga siiba xisbiga KULMIYE oo odayeyn iyo tanaasulaad hoose ku sii dhamaysan jiray marka laga reebo doorashadiisaa ugu dambaysay, halka xisbiga UDUB uu ku baaba’ay xoogii iyo afduubkii iyo shuruucda oo lagu sargooyo hadba qofka talada haya.

Waxaana xisbigii WADANI shirweynihiisii ka soo baxay oo diiday murashaxii jagada madaxweyne ku xigeenka oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga oo waliba in badan la soo halgamay laakiin u eekaa nin lagaga awood batay ku guulaysiga kursiga marka aad eegto duruufaha ku gedaanaa doorashadaa, marka loo kuur galo shirweyne yaashii Sadexda xisbi qaran ee Somaliland KULMIYE, UCID iyo WADANI waxa loogu qaatay oo yidiiidilo iyo toostoosin yeelan kara mustaqbalka hadaanu is badalin sida kuwan kale waa xisbiga WADANI oo uu ahaa shirweynihiisii koowaad oo soo metala shirweynihii koowaad ee xisbiga KULMIYE ee dhacay sanadkii bishii FEB 2003.

(dimuqaradiyada dusha ka afduuban hoostana dadweynuhu si xor ah uga codeeyaan)

Fiirogaara: Ereyga dimuqaradiyad inagu waxa aynu u isticmaalaa doorasho xor ah oo xalaal ah hadii ay afafka qalaad macno iyo mabaad’ii kale tahay.

ALLAA MAHAD LEH

QORAA:  FALANQEEYE ARIMAHA SIYAASADA IYO DHAQAALAHA MOHAMED DHIMBIIL

COMMENTS
LINKS