WAJAALE NEWS

SOMALILAND: QARAN TABAAYA TABAN-TAABADA SHACABKIISA!

Hal-qabsi!

Isku duubnibaa, dadkeygow duli kaga baxdaa,

Nolol daa’inta, deeq iyo wanaag ku durduurataa,

Midho ka mid ah Hees waddani ah, Raadyow Hargeysa, Somaliland.

Himilada ugu sarreysa oo ummadduhu hiigsadaan ayaa ah qaran gobonimadiisu sugan tahay si ay ugu noolaadaan nolol dhammaystiran oo karaamo leh. Reer Somaliland way kala siman yihiin himiladaas misna geedi-socod dheer ayey u soo mareen xilliyo kala duwan, si aynu u dhameystirno himiladaas 18kii May, 1991kii ayaa si kama dambeyn oo dhab ah looga xaqiijyey hannashada GOBANIMO SUGAN iyo shirweynahii beelaha Somaliland.

Haddaba, rubuc qarni kadib oo guulo wax-ku-ool ah laga dheefey himiladaas hirgashey, maxaa la deris ah maanta? Waa sidee xaalka waayaha qaranka Somaliland uu ku sugan yahey? Waa su’aalo u baahan in si fiiro leh aad loo hufey, lafo-gurey oo si dhab ah loogu kuur-galey ay waajibtay in looga jawaabo.

Dhab ahaan, guulaha laga gaadhay himiladaas la suntay rubuc qarni ka hor, waa kuwo aan la dafiri karin, waa kuwo nolosha aadamaha si weyn wax ugu biiriyey. Waa xaqiiq odhaahdaas, nin dafirsan iyo mid qirsanba. Waxaaba markhaati ugu filan nabad ku wada noolaanshaha ummadda Geeska Afrika iyo doorka muhiimka ah ee reer Somaliland kaga jiraan.

Sidaas oo ay tahay, tacabka iyo meel-marinta himiladu muu sahlanayn! Waa dhib badnaa, joogto ahaa oo hiilka xaqa uu u leeyahay ma uu ka helin cid walba oo ay ku waajibtey (bulshada caalamka, kuwa gobol-qaaradeedka Geeska Afrika, kuwa shucuubta Carabta iyo kan waddamada Islaamka). Intuba way ka gaabiyeen, hagradeen oo ka aamuseen dano gaarka ah oo uga muuqan waayey jiritaanka qaranka Somaliland. Haatanse, reer Somaliland waa ka guulaysteen cid wabla. Way meel-mariyeen himiladoodii keliya waxaa lagu khasbanaadey in lala xaatoodo.

Haddiiba sidaa arrimuhu yihiin, maxaa khaldan oo arrimuhu sidatan tabcaan ugu suganyihiin? Jawaabta kooban oo maqaalkeygan ku jiheysan yahay waa in reer Somaliland gaabis yihiin oo weliba aad u gaabinayaan si ka duwan sidii hagar-baxa iyo naf-hurka ahayd ee ay hayaanka ku bilaabeen. Sababo kala duwan ayaa saldhig u noqon kara oo innooga baahan daraasayn iyo in si dhab ah aynu u qiimeyno dhibka uu ku sugan QARANKEENU maanta. Waxa muuqda in guulo dhab ah oo aynu gaadhnay misna midho laga gurtay in gunti-giijis ay u baahan tahay maanta waxa weeye in wadajirka, isku-duubnida, naf wada hurka aannu si dhab ah u shaqaynayn, waaba siyaasadda fur-furan, innagu cusub oo weli curdinka ah, isla markaa waqtigu waa tagayaa! Taas waxa cakis ku ah diyaargarowgii loo baahnaa iyo isu-dubaridkii habboonaa oo laga gaabiyey. Saldhigeedu middan waa xisbiyada oo hagaasey halka ka ahayd inay hano-qaadaan, weliba si weyn ayey u hagaaseen. Waxaaba lagu koobay muraadkooda xil doon iyo mansab difaac iska soo horjeeda oo si maalinle ah aynu u arkayno dhacdooyin aan kala go’ lahayn!

 

Muddo qaan-gaadh ah kadib, waxa habboon in si weyn oo dhab u qiimeyno sida saaxadda xisbiyadu uga jawaabayaan baahida weyn oo meel-marinta qarankeenu dhibbanaha uu inoogu yahay waqtigan? Wax walba oo fursad u ah geediga gobanimada qarankeena waxa inta badan loo adeegsanayaa si khaldan, ku daneysi gaar ah, isla markaana hagardaamo ugu filan jiritaanka qaranka, waa dhibtaabo jirta oo si dhab u muuqata misna aynaan is diidsiin karayn. Waxa guusha lagu naaloonayo lagu gaadhay naf, maskax iyo muruq ay shacabkiisu si hagar-bax ah ugu habayeen himilada gobanimada qarankeena, waana mid dadkeenu aannu weli ka gaabin, balse waxa jira arrimo badan oo dibin-daabyo ku ah geedi-socodka himiladeena. Warbaahinta sida weyn u kortay, dublamaasiyadda iyo saaxadda siyaasadda heerarka kala duwan; heer caalamka, ka shaqaynta isku duubnida ummadda iyo arrimo kale oo badan ayaa maanta qarankeennu tirsanayaa in laga gaabinayo. Waa mid ka horjeedda sida lagu xaqiijiyey rubuc qarni ka hor misna keeni karta hagardaamo aan lagu farxi doonin cawaaqibkeeda.

Qodobkaas marka laga shaqeeyo ayey midda gaarka ahna imanaynsaa oo qof walba oo innaga mid ah iyo inta dab-joogta u ahba ay heli karaan muraadkooda gaarka ah. Sidaa darteed, waxa habboon in si degdeg ah isu qiimayno oo toosin, tabantaabo hor leh aynu ula nimaadno ummad ahaan?

Waxa fursad innoogu filan in himiladaas aynu xaqiijinay oo kula xisaabtami karno cid walba iyo sida ay ugu waajibtay. Haddiiba aynaan sheegan, hadlan, soo bandhigin oo ku baanin waa hubaal in cid innagu casuumaysaa inta aynu ka gaabinay aanay jirayn. In lagu doorto, aad mansab hesho, qandaraasyo hesho, hadalkaaga madaxdu maqasho, adigu laguu muraad sheegto, waxa ka horreeya in qarankeenna jiritaankiisa ka shaqayno oo wax kasta oo hagardaamo ku noqon kara ka baaqsanno?

Arrinta ugu culus oo maanta ina hortaalaa waa meel-marinta inay si guul leh ay u qabsoonto doorashada la muddeeyey oo jiitan badan soo martay, balse haatan meel kama dambays ah la isla meel dhigay? Inaga oo Ilaahay korreeye kaashanayn waa mid si fudud aynu u meel-marin doono sida hore u samaynay, balse waa in isku duubni looga shaqeeyo oo cidaha waajibka idman leh aynaan ku keliyeyn?

Aan ku soo gaabsho tixo ka mid gabeygii Gud-gude ee Gabyaa Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) – 1990kii.

Ged gadoonka maanka iyo qalbiga gocosho reenka,

Guushaada waa lala jiraa ee gees ha ahaanin,

Guddoon dhaceyna waa nacas ninkii gaar u faashadey,

Guri ba’ayna waa cadow ninkii raarta sii koraye,

Gobanimona waa quus ninkii gowka dhaafsadey,

Inta maanku gaasheysan yahey GUULI WAA WELI.

 Allow Somaliland dhowr Allaa gar-gaar ah mar walba!

Qalinka:                Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

Tel:                         00 252 (0)63 4137470.

Email:                    mustafe72@gmail.com

Exit mobile version