WAJAALE NEWS

Dareenada Ka Dhashay Magacaabista Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale Oo Xigaal Dhaw Yihiin Maamulaha Kastanka Iyo Kaalinta Wasiiradda Maaliyadu Ku Leedahay?

TOG WAJAALE  (W,N)  Muddo laba Sanno ah ayaa laga joogaa markii Madaxwayne Siiraanyo ka badalay Wasiirkii hore Maaliyada C/casiis Maxamad Samaale laguna badalay Wasiir Samsam Cabdi Aadan isla markaana Wasiir Samaale uu iska casiley Xillkii Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay iyadoo Taariikhdu xusaysa in Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale gashay Xaalad Jaho-Wareer ah oo Talo Dumar kolba dhinac u jeedinayso waxaana hadheeyay Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale badalo dagdaga oo lagu sameeyay Gudoomiyaha Dagmada Wajaale oo  Sadex goor badal lagu sameeyay iyadoo Dadka dhaliila Siyaasada Wasiir Samsam ay ku eedaynayaan in ay Faro galin ka sokaysa Talada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ku samayso iyadoo Shirqooladu Wasiiradu ka wado Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale la garan doono Maalin aan fogayn .

Iyadoo Muddo Laba Sanno oo Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan Xillka Wasaarada Maaliyada haysay ay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale ay Socdaaladii ugu badnaa ku tagtay Magaalo Ganacsiyeedka Istiraatiijiga ku ah Xaga Ganacsiga waxaanay Wasiir Samsam ku Guulaysatay in ay u Magacawdo Maamule Kastan Masuul Jufada hoose  ee Wasiir Samsam ka soo jeeda iyadoo Jidka Magacaabistiisa u martay Wasiirada Maaliyadu si wayn loogu Dhaliilay in Maamule iyo ku Xigeen mar ay soo magacawday kana soo wada jeeda Beesha Sacad Muuse Maamule ku Xigeenkii oo ay isku Jufo yihiin  u Dalacsiiso Maamule Halka Maamulihii Shaqada Ka Fadhiisisay iyadoo Dadka dhaliila Siyaasada Wasiirada Maaliyada Samsam ay ku macneeyeen in Talaabada ay qaaday Wasiir Samsam  Muujinayso heerka ay ka Taagan tahay Qabyaalada.

Iyadoo Magacaabista Taliyaha Booliska Wajaale loo Magacaabay C/salaan ( Diin Qale)  ay mar Labaad Marag Cad u noqonayso in Wasiir Samsam ka go”antahay in Maamulka Wajaale ka dhigto Maamul ay haybta Wadaagaan oo ay isku jufo yihiin iyadoo Dadka Siyaasadeeda Dhaliilaa ay iswaydiinayeen Ujeedooyinka Mustaqbalka fog iyo ka dhaw ay ka leedahay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale.

Xogahan ayaa tibaaxay in   Wasirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ay Aaminsan  tahay iyo Ujeedooyinka ay ka leedahay Magacaabista Maamulka Kastanka Wajaale iyo Taliyaha Saldhiga Wajaale iyo Socdaalada joogtada ah ee Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale ku tagto  ay Banaanka soo dhigayso Damaca ay Damacsan tahay Mustaqbalka in ay Mulkido Dhullka Garoonka Kubada Cagta oo Suuqa Dhexdiisa ku yaala oo Qiimihiisu Gaadhayo ilaa Laba Milyan oo Doolar islamarkaana loo Raro  Garoonka Kubada Cagta Wajaale Beeraha Mashruuca Wajaale oo Qiyaastii Laba Kiloo Mittir u jira Garoonka Kubada Cagta Wajaale . .

Wararkan ayaa wali sirasmi ah loo hubin  wallow ay muuqdaan ififaalayaal badi oo la la xidhiidhin karo doonista wasiirka iyo dareenka shacab

WAJAALE  DESK

TOG WAJAALE OFFICE

WARIYE A, A, HABANE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version