Rashiid Bullo: Geeri I Damaqday! Qalinkii: C/risaaq Saalax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rashiid Bullo: Geeri I Damaqday! Qalinkii: C/risaaq Saalax
April 28, 2017 - Written by Editor:

Mid Ka Mid Ah Baalashii Heellada Iyo Fanka Casriga ah.

Ilaahoow Kuu Naxariiso.

”Allaylehe Qod baa Dhacay

Allaylehe Qarbaa dumay

Tani Waa Af-kala qaad”

–Gaariye–

Aniga oo Hindiya Jooga ayaa waxaa ila soo xidhiidhay Nin Reer Somaliland ah oo UK Jooga. Ninkaasi waxa uu akhriyay, qormooyinkii taxaneha ahaa aan ka qoray Abwaan Dheeg. Hambalyo iyo Dhiiri galin ka dib, waxa uu iisoo jeediyay talo ah in aan bal isna isku dayo in aan wax ka qori karo Abwaankii Waynaa ee Maxamed Cali Kaariye AHUN — Oo malahayga ahaa, Abwaanka sida gaarka ah wax soo saarkiisa u xiiseeyo.

Waxaan u la wadaagay, qorshe ii dhignaa marka horeba, oo ahaa, in aan Darso Noloshii, Jacaylkii iyo Suugaantii badda ahayd ee Abwaanka. Adkaanta ay adag tahay, in qof Mootan noloshiisii, waayihiisii, iyo wax soo saarkiisii laysla raadiyaa aawadeed, waxa aan la wadaagay, ilaha ka ag dhaw ee aan xogahaas ka heli karo.

Waxaan si gaar ah ugu magac dhabay, Boon Xirsi AHUN oo ay abwaanka waayo badan oo faneed iyo nololeedba soo wada mareen in uu balan ii soo qaaday, Mar aanu ku kulanay Xarunta Dhaqanka Hargeysa. Waxaan u raaciyay, in habka ugu fudud ee dadkaa haldoorka ahaa waxsoo saarkooda loo sii daba qabatayn karaa ay tahay in dadkii ka ag dhawaa ee wali sii nool laga warsado. Inta aanay xeedho iyo fandhaal kala dhicin ee aanay kuwaasina meesha ka bixin

Ilaahay ayay seeftiisu socotaay, Wiig ka dibba waxa aan Maqlay geeridiisa. Jawaabtii xigtey ee uu saaxiibkay ii soo diray waxa ay noqotay, email dheer oo laba goorba tiiraanyaysan. Waa midda koowaade Tacsidii Abwaanka. Ta labaadna, waxa ay ahayd, walaacii aan qabay oo maraggeedii uu Ilaahayba furay.

Maantana tii tu la mid ah ayaa timid. Buug ku saabsan ‘Kala Wareeggii Gabayga iyo Miyuusigga Soomaalida’ ayaan research-kiisa la rafanayay. Ka sokow, inta yar ee qoran ee aan heli karay, waxaa ii qorshaysnaa in aan xog u doonto raggii kala wareeggaa u soo taagnaa oo ay wax yari ka sii joogaan. Raggaas oo dhawr ah, Rashiid Bullo ayaa iigu muhiimsanaa. Su’aalihiisu waa ay ii diyaarsanaayeenba. Maanta ayaa Geeridiisa la iisoo sheegay. Baylah aan beer-dareeyay dheh!. Ilaahay Naxariistii janno ha ka waraabiyo.
Haddiiba la soo qaado Buugga, Fanka iyo Miyuusigga casri ah oo Soomaaliyeed, Waa Hubaal Rashiid Bullo in uu Dusha (Jaldiga) magiciisu kaga xardhan yahay. Waxa uu ahaa, mid ka mid ah daadihiyayaashii soo gardaadiyay Heellada (Qaraamka). Raggii Fadhiisiyay, ee ay gacantooda ku xasishay Qawaaniinta Heesta casriga ah ee aynu maanta dhegeysano. Godka uunbuu inooga horeeyaye, Ogow Hadh iyo habeenba Nolosheena si walba ayuu ugu milan yahay wali.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa talada ugu wayn ee aan ka guntay ay ahayd; “Dad Badan baad maanta u baahan tihiin in aad wax kala hadhaan, Hadh iyo habeenna idin ag joogga oo aad haleelkeediina leedihiin. Laakiin Markii ay hoydaan farta dhexda ka qaniini doontaan, hantida ay idinkala galbadeen”.

In wax laga qoro inta ay nool yihiin, dadkaa Haldoorka ah, waa hawl, In marka ay dhintaan laga qoraana waa Boqol hawlood. Waxaa doqoniimo ah, Rashiid oo ah kaa maanta raadkiisu sii muuqdo, in xataa aynaan helin cid noloshiisii iyo wax tarkiisii aynu xusno, si aynu inta mooggan u xusuusino.

Ilaahay Naxariisiisa Ha Siiyo, Qoyskiisa, Qaraabadiisa, iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka Baxay Samir iyo Iimaan ha ka siiyo, Isaga iyo Dhaxalkiisiiba.

 

C/risaaq Saalax

Muqdisho, Somalia

Abdirasaksalah@gmail.com

+252634466677rashiid bulo

COMMENTS
LINKS