Jacaylkii Dhexmaray Inan Sirdoonka USA ka Tirsan Iyo Sarkaal Daacish ah, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jacaylkii Dhexmaray Inan Sirdoonka USA ka Tirsan Iyo Sarkaal Daacish ah,
May 2, 2017 - Written by Editor:

Gabadha ka tirsanayd sirdoonka Dalka maraykanka ee Daniel Green ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay shaqadaasi waxayna aqbashay inay isguursadaan ninka xubinta sare ka ah Ururka daacish ee Badnes Couspert oo isagu had iyo gooraale ka soo muuqda shaashadaha telefishinada ahna ragga ugu caansan Ururkaasi, una xilsaaran qorista iyo tababarida ciidamada, waxana uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Dalka jarmalka isagoo ahaa dadka heesa ee lagu jeclaa ciyaaraha qoob ka ciyaarka ee loo yaqaano ‘Rob-ka’ ka hor intii aanu ku qancin fikirka ururka Daacish oo dabeetana ku biirin.

FBI

Gabadhan oo ka tirsanayd hay’adda FBI waxa ku dhacay jacaylka ay u qabto sarkaalkan daacish ka tirsan Badnes Couspert sanadkii 2014 iyadoo xiligaa ku sugnayd Dalka Suuriya, kuna hawlanayd shaqo basaasnimo oo xiligaa loogu wakiishay inay ka soo fuliso gudaha Dalka suuriya , hawshaa oo qayb ka ahayd dagaalka lagula jiro Ururka dawlada Islaamiga ah.

Jacaylka labada ruux waxa uu biyo dhig noqday markii ay Daniel Green ay jeclaatay Badnes Couspert dabeetana ay si rasmi ah ugu sharaxday shaqadeeda iyo waxa ay Suuriya u timid, xiligaas oo runtaa ay u sheegtay darteed uu ku qancay dadnimadeeda sidaana jacaylkii uu u qabay uu ku sii fogaaday oo xididada dhiga qaada oo dhan sii raacay, illaa uu jacaylkoodii gaadhay mid  lagu ballamay guur iyo mustaqbal.

Laakiin muddo ka bacdi markii la is guursaday waxay inantani dib ugu noqotay Dalkeedii Maraykanka iyadoo hay’addii FBI u bandhigtay dhamaan waxa ay ka aragtay ama ka maqashay Ururka Daacish, hase yeeshee waxaaba lagu oogay dacwad ah inay la macaamishay mid ka mid ah hogaamiyayaasha daacish, waxaana lagu xukumay xabsi labo sanadood ah laakiin waxaa la sii daayey dhamaadkii 2016.

COMMENTS
LINKS