Maxaa Jidhkaaga Ku Dhacaya Marka Aad Macmacaan Badan Cunto? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Jidhkaaga Ku Dhacaya Marka Aad Macmacaan Badan Cunto?
May 2, 2017 - Written by Editor:

Ma waxaad jeceshahay Cuntada macaan mise ta dhanaan?

Tiro badan oo dadweyne ah ayaa jecel cunitaanka macmacaanka, taasina waa sababta ay waxyaabaha sonkortu ku jirtaa u noqdeen waxyaabaha ugu doonitaanka badan ee ay dad badani dalbadaan, laakiin ma la socotaa waxa jidhkaaga ku dhacaya hadii aad isku badiso cunitaanka macmacaanka?.

Marka uu qofka Bani’aadamka ahi qaato maalintii wax ka badan 300 calories oo macaan ah waa qiyaas u dhigmaysa 35 KG sanadkiiba, laakiin khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in qadar yar oo macaan ah oo uu qofku cuno maalin walba inay kaga filan tahay baahida jidhkiisu u qabo maadada calories, waxaana habboon in qofka qaangaadhka ahi aanu ka badsan 25 Gram oo macaan ah maalin walba, waana miisaan u dhigma lix malqacadaha yaryar ee shaaha ah oo sonkori ka buuxdo amaba jab yar oo shukulaato ah.

Dood cilmiyeed ay dhowaan qabatay “British Medical Journal’ waxa lagu sheegay in sonkortu ay khatar ugu tahay bani’aadamka sida Tubaakada oo kale, inkastoo hadii la yaraysto aanay jidhka waxba u dhimayn laakiin badsashadeedu ay dhibaato weyn u keeni karto jidhkaaga.

MACAAN

Sonkorta marka aad isticmaasho waxa kordhaya garaaca wadnahaagu samaynayo maadaama jidhku soo saarayo maadada Insulin-ta taasoo kordhinaysa garaaca wadnahu samaynayo, laakiin marka aad yarayso qaadashada macaanka faraha badan waxaa imanaysa in muddo todobaad ah uu wadnahaagu dib ugu laabto xaaladiisii caadiga ahayd oo garaaciisu noqdo kii saxda ahaa.

Haraga sare ee jidhka Qofka bani’aadamka ah ayaa isbedel xumi ku yimaadaa marka uu qofku joogteeyo cunitaanka macaan faro badan waana qiyaas lagu ogaaday markii la dhinac dhigay dadka aan isticmaalin macmacaanka amaba iska yareeyey.

Isticmaalka cuntooyinka macmacaanku ku badan yahiin waxay keentaa in maadada macaanku ku badato dhiiga qofka bani’aadamka ah, iyadoo gaadhsiin karta heer uu miirdoorsan galo, laakiin hadii qofku iska yareeyo macmacaanka waxaa imanaya in jidhkaagu helo xadigii macaan ee jidhku u baahnaa, isla markaana aad ka nabadgasho dhibaatada uu macaanka badani ku sababo jidhka aadamaha.

XUSEEN KURDI

COMMENTS
LINKS