Biyaha ‘DASANI’ Coca-Cola Xogo Caafimaad Dari ah Oo ku Gedaaman, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Biyaha ‘DASANI’ Coca-Cola Xogo Caafimaad Dari ah Oo ku Gedaaman,
May 2, 2017 - Written by Editor:

18 March 2004, xukumada Ingiriisku waxay ogaatay oo aay ka heshay walaxda ‘Bromate’ oo looga shakiyay in Binu Aadamka aay ku keeni Karto ‘ Carcinogen’ taaso ku dhalisa xanuunka KANSARKA (cancer) oo ku jirta biyaha shirkada Coca-Cola samayso hadii xadi badan laga isticmaalo amaba laga cabo. Coca-Cola isla markiiba waxay ku talaabsatay in dib loosoo celiyo Nus Malyuun Caagadaha biyaha “Dasani”, isla markiina Dhami Suuqyada UK waxay ka sifaysay biyaha “Dasani”. Mudo Yar kadib halkii aay ka ahayd in Biyaha Shirkada Coca-Cola loo iib geeyo Qaarada Europe ayaa waxay ku dhawaaqday shirkadu inay ka joojisay (cancelled).

dansani coca cola 1

(Things get worse with Coke Bottled tap water withdrawn after cancer scare. Felicity Lawrence, consumer affairs correspondent Friday 19 March 2004 21.35 EST)

Dalkeena Ma jiraan haayado Baadha tayada Biyaha Somaliland lagu sameeyo ee caagadaha ku Jira iyo xadiga Walxaha lagu Daro Biyaha Qiyaastooda, taaso Caafimaad ahaan Umada Somaliland ku dhaqan halis ku keeni karta Caafimaad kooda. Waxaa kaloo jirta in Dunidan aynu ku dhaqanahay ay ka jiraan Haayado Madax Banaan oo Qaabilsan inay Baadhaan. Su’aasha iswaydiinta Mudan ayaa ah SBI Coca-Cola Somaliland ma usoo Bandhigtay Umada inaanay Jirin wax halis Ku keeni Kara Caafimaadka Umada? Sida aaynu ka wada Warqabno Ma lihin Haayad Faya Dhowr oo Qalabkii amaba Agabkii ay ku Baadhilahayeen tayada ‘Products’ yada Dalka Gudihiisa lagu Sameeyo iyo kuwa lasoo Dejiyo toona Baadha oo Habsamida Caafimaadka Bulsho-waynta Somaliland u Feejigan! Sida aan soo Xusay Dalalkaa iska Xayiray Biyaha ‘Dasani’ Coca-Cola waxay ahayeen kuwo Kala Xisaabtamay Shirkada Dhami Dembiyadii aay Gashay. Hadaba ka Somaliland ahaan iyo Qaran ahaan wax Damaanad ah Maka haysanaa oo Umadu ku Niyad Santahay?

adan deeq

Marka hadaba inagu aaynu nahay Umadii Dalkan ku Dhaqanayd miyaanay Haboonayn in aaynu ku wada dedaalno wixii cafimaad Keena Wiiqaya oo  meel ugasoo wada jeedsano. Kadib Daraasad kooban iyo baadhitaan waxaan ogaaday oo warbaahinta Cafimaadka ku xusan in haba yaraatee Biyaha Caagaduhu uba Fiicnayn Caafimaad ahaan. Laakiin waxaa jirta in Ganacsatadeenu Noqotay kuwo ina dhiig-miirta oo haba yaraatee aan dan ka lahayn Caafimaad keena oo Shilimaadka ka Jecel Umadaa Dhan ee Islaamka ah. Qoraal Kaygan kooban ee Lexe-jeclaynta Umadayda aan u Qabo awgeed aan ugu soo bandhigay Dhacdooyinkan ayaan Hubaa in la Reerayn doono oo aan laga istaagi doonin dhanka Saxda ah, mana aha wax inagu Cusub sababtoo ah Mar waloo lasoo bandhigo ee wax la iska waydiiyo Arin Khusaysa Ganacsi Gaar loo leeyahay oo Su’aalo Badan ka dhex Dhalinaya Bulshada iyo Umada Dhexdeedaba barta Qudhee lagaga Baxsadii Waa in la Reereeyo. Hadaba Dadwaynoow Caafimaad kiina Gaar ahaaneed Reero maku Xidhanyahay Maadaamo ‘Dasani’ aad wada Cabtaan? Waxaa kaloo iswaydiin mudan maadaama oo aay shirkada Coca-Cola ku kacday fal dambiyeed ka dhan ah Habsamida Caafimaadka Umadii ku dhaqanayd Maraykan iyo Dawlada Ingiriiska miyaanay mudnayn inaynu U Dareen yeelano oo aaynu ka Dalbano in Somaliland ahaan maadaama Falalkani dhaceen in Shirkadu naga Qanciso in Hadii aynu nahay Dawlad Afrikaan ah Laguna yaqaano dawladaha Afrikaanka ah inaanay Shirkadaha Caalamiga ah ee ugu Hantida Badan Aduunyadu ku Caan Baxeen in si Fudud uga Dembebesi yaqaanan Fadeexad walboo Kala soo Derista iyadoow u saamaxayso Hantidoodu iyo Masuuliyiinta Afrikaanka ah oo ku Caan baxay Musuq.

 

 

QALINKII ;Aden-Deeq

COMMENTS
LINKS