Qisada Ninkii Ugu Da’da Weynaa Adduunka oo Geeriyooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qisada Ninkii Ugu Da’da Weynaa Adduunka oo Geeriyooday
May 3, 2017 - Written by Editor:

Ninkii Ugu Da’da Weynaa Adduunka oo Geeriyooday

(BBC-Arabic.Xogtadunida.3.May.2017) Dalka Indonisia waxaa maanta ku geeriyooday ninkii loo haystay inuu yahay odayga ugu da’da weyn adduunka oo dhan kaas oo xiligan cimriguusu marayey 146 sanadood, sida laga helay diiwaanada lagu soo hayo dhalashada dadweynaha ee Tuuladii uu ku noolaa ee Central Java.

ninka ugu dadawayn aduunka

Ninkan ayaa markii uu dhashay iyo dhalinyaranimadiisii waxaa loo yaqaanay magaca Sodemidjo, xiliganse waxaa lagu garan jiray magaca Awoowe Goto oo ah magac loogu bixiyey da’diisa weyn darteed, waxaana diiwaanadu muujinayaan in uu dhashay Sanadkii 1870, inkastoo la ogyahay in Indonisia aanay bilaabin diiwangelinta dhalashada waxii ka horeeyey sanadkii 1900kii, iyadoo khaladaad ka iman karayeen da’da dadkii dhashay waxii xiligaa ka horeeyey.

Mas’uuliyiin wadanka Indonisia u dhashay oo ay BBC-da qaybta afka carabigu ka waraysatay xaalada awoowahaasi ayaa ku adkaystay inay saxan tahay da’diisu, iyagoo ku sababeeyey waraysiyadii hore looga qaaday iyo xogihii laga hayey oo dhamaantood waafaqaya da’da uu sheegtay.

12-kii April ayay ahayd markii odaygan loola cararay xarun caafimaad markii xaaladiisu ka soo dartay, laakiin lix maalmood ka bacdi laga soo saaray cisbitaalka oo uu gurigiisii dib ugu soo noqday.

Mid ka mid ah inamada uu awoowga u yahay ayaa BBC u sheegay in awoowgood aanu haba yaraatee waxba cunin intii uu cisbitaalka ka soo baxay marka laga reebo dhowr malqacadood oo soor ah isla markaana aanu cabin biyahii ay ahayd inuu cabbo, illaa uu ka dhintay.

Hussein Kurdi

xogtadunida.com

COMMENTS
LINKS