Masaajidka La Jaarka Ah Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha & Maaliyadda, waxa ka muuqda Daranyo & Gogol La’aan !! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masaajidka La Jaarka Ah Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha & Maaliyadda, waxa ka muuqda Daranyo & Gogol La’aan !!
May 3, 2017 - Written by Editor:

Masaajidka la jaarka ah Wasaaradaha waxbarashada, Beeraha, Maaliyadda, Xoolaha, Ciyaaraha,  Dibedda, Qorshaynta, Arrimaha gudaha, xafiiska hanta-dhowrka Qaranka, xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka, xarunta komishanka qaranka, masaajidkaa nasiibka u helay inuu ahaado goobta ay ku cibaadaystaan hay’adihii iyo wasaaradihii ugu muhiimsanaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka muuqda dayactir la’aan iyo gogosha ama roogga ku goglan oo midabkiisii isbaddelay, ka dib markii qiyaastay aan Rooggaa laga beddelin muddo Shan Sano ah.

masaajid

Haddaba ujeeddada Wargelintaydan oo ah mid qof kasta ku waajib ah inuu u gudbiyo cidda wax ka qaban karta daryeelka masaajidka iyo masaajidada kale ee aynu ku cibaadaysano, waxa aan u soo jeedinayaa madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha la jaarka ah masaajidkan inay qorshe daryeel u sameeyaan masaajidka iyo culimada ka shaqaysaba, waxaanan leeyahay masuuliyaantaasi wax culays ah idinku keeni mayso haddii aad culimada guno u qortaan masaajidkana sannadkii mar dayac-tirtaan

Wa Billaahi Tawqiif

W/Q: Mowliid Aadan Cumar

 

 

 

COMMENTS
LINKS