Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacabka Iyo Qoyskii uu ka baxay ka Tacsiyadeeyay Marxuum Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) Oo Ku Geeriyooday Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacabka Iyo Qoyskii uu ka baxay ka Tacsiyadeeyay Marxuum Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) Oo Ku Geeriyooday Maraykanka.
May 5, 2017 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05.05.2017, dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York City.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dhamaan ummadda ku hadasha afka Soomaaliga, gaar ahaan Reer Somaliland, waxaanu marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca weyn dhulka Soomaalidu degto, xilkii u danbeeyey ee uu Qaranka somaliland ka soo qabtayna waxa uu ahaa Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya u fadhiya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS