WAJAALE NEWS

QORSHE XUMIDA SIYAASIGA SOMALILAND EE QAYBSIGA DHAXALKII JAMHUURAYADDII DUNTEY. ( Qaybtii 1aad)

Somaliland lixdankii dal madaxbanaan oo xorriyad ka qaadtey Boqortooyadii Ingiriiska. Hoggaankii siyaasadda iyo bulsho hilow, gacaltooyo,qiiro, muxubbo iyo dareen walaalnimo wadey baa curdin dhadhiyey oo dawladdii u diidey xataa in ay loxos goyso.

Waddankii Soomaliya bay si shuruud la’aan ah ugu biireen. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “sidaan kuugu lisay iigumaad hambayn”. Weliba Soomaaliya waagaas waxay qarka u saarnayd burbur iyo kala yaac oo wey is kansan la’ayeen , se reer woqooyi baa iidaan iyo bishil u noqday.

Muddo kolkii laga joogeyba dalkii waxa ka dillaacay dad qalatow,umulo doox, bir mageydo gummaad, iyo isir nac loo geystay cido gaar ah oo gobolada woqooyi ka fir qabay. Dawladda meleterigu cadaadiska cido badan bay ku haysay.

Arrinkaa waxa ka dhashay dhiidhi iyo damqasho oo dad Soomaali ah baa isu abaabulay in dulmigaa meleteriga layka xayuubiyo. Halgankii jabhaddu wuu guulaystey waxaana dib loogu soo guryo noqdey magaalooyinkii hore loo faaruqiyey. Qorshe lagu mideysnaa madasha laguma hayn, sahan sugana geediga looma rarin.

 

Siyaasigii iyo askarigii dagaalka ku mideysnaa ,ma wadaagaan aragti iyo istiraatiji kale, hadaf duullaanku lahaana muu caddayn. Waaqacaa la joogey iyo waagaa cusub indho gabadhlayn mooyaane arrin kale ka muuqan waa. Beelahaa Burco isugu yimi ; si dadka soo doogey ee colaaddii ka soo samato baxay loo kala badbaadiyo. Se dabinkii lixdankii baa si dalag dubuq loo yidhi. Dad uugaabaya baa xeradii shirka isku soo gedaamay, dad Hargeysa iyo Berberaba way isaga soo qayshadeen. Dareen aan meeshaba oollon iyo qorshe aan istiraatiji lahayn baa shirkii lagu dirqiyey…. sidii gorayadii carruurtu ku sheekayn jirtey ee dhagax xabagta loogu maliiqay baa siyaasigii iyo askartii duuduub go’aankaa lagu liqsiiyey… 17 May baa lagu dhawaaqey in madax banaanidii lixdankii ambadtey dib loo soo ceshaday oo Somaliland dhalatey…. Beelaha darafyadu goobjoog bay ka ahaayeen ..waana lagu qancey.

Qorshaha iyo istiraatijiyaddu nolosha uumiyaha kaalin weyn buu kaga jiraa. Habar dugaaga duur joogta ah baa in uu istiraatijad iyo hadaf midaysan yeesho ka maarmi waayey.

Shabeelku waa aadun tun yar oo tab leh, isagoo midhadh ah buu u babac dhigaa lo’da gesida ee dibad joogga ah, iyadoo kaadimo ah buu weerar ku halaambeeyaa, lo’da mid keliyaa ka qaro iyo miisaan badan afar shabeel. Hadday xoog noqotona lo’du ka quwad iyo tuntun roon shabeelka, kana so’ iyo sarar weyn, haddii qudh iyo qudh la isu dhigo.

Amadka iyo maxsuulk se, waxa uu ku biyo shubtaa in shabeelku hadafkiisa gaadho,iyadoo lo’da mid shilalka la dhigo. Waxay ku dhacday tani; in shabeelku adeegsado istiraatiji farshaxanimo oo lo’da ma gondo galo e ee wuu ka feejigaystaa markuu caydhsanayo. Qorshihiisa waxa ka mid ah in uu lo’da yaxyax iyo baqo geliyo oo fiigaan. Intuu weeteeyo buu lo’da mid gooni u faquuqaa ,gooni buu uga leexiyaa lo’da inteeda kale, dabadeed shabeelku idilkii gelimaad buu ku qaadaa midhkaa. Dhugo oo dheeho shabeelku waxa uu leeyahay ujeedo mideysan, waa koox qorshe cad u suntahay oo si wada jir ah hadafkaas u tiigsanaya, midaynta cududda , iyo xoogga baa u sahla in ay guul gaadhaan oo xaqiijiyaan yoolkoodii.

Tilmaantani waa midda ka maqan lo’da, fal celinteedu waa bixiyow I bixi , baxsad iyo kaynaan bay miciin biddaa. Waa dhalan iyo abuur. Jabkeedu waa in ay ka faa’iidaysan weyday xooggeeda,ayaan darradeedu waa ta tusi weyday in ay wax iskaga celiso faraheeda iyo tiro badnideeda. Nasiib darrada lo’du waxay tahli weyday in ay waayo aragnimadii shabeelka ee dhex martay wax ka barato.

Habar dugaag iyo duur joogtu sidaas bay u kala qorshe iyo arrin duwan yihiin.

Dadkase caqli iyo dhug baa lagu galladey oo ay xayawaanka dheer yihiin, caqligaas baa tusa duni tahan fog, isagaa gorfeeya,rogroga oo falanqeeya ummuuraha giblan ee gedfan, arrimaha dedan iyo kuwooda daboolan, xaajooyinka jooga, iyo kuwa awaal iman doona.

Waayo aragnimo hore baa sal dhig u ah, isagaa curiya oo ebya xal sida sixirka u qalabaa geddiya umuuraha. Wuxuu furdaamiyaa hawiraadda (challenges) ka hor yimaadda go’aamadiisa, waanu maareeyaa qodob kastoo kakan.

 

QALINKII AXMED MUUSE ISMAACIIL

Exit mobile version