Real Madrid Oo Noqotay Boqorada Finalka Champions League & Xog Ku Saabsan Taariikhdooda Tartankan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Noqotay Boqorada Finalka Champions League & Xog Ku Saabsan Taariikhdooda Tartankan,
May 11, 2017 - Written by Editor:

Madrid,(Wajaalenews)-Heerka ugu sareeya kubada cagta Yurub, Real Madrid ayaa weli ah koox bandhig fiican sameyneysa iyadoo kooxda La Liga ka dhisan ay haatan gaadhay finalkii 15aad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub waana in ka badan inta ay sameysay koox kale oo qaarada ka dhisan.

Marka la tago Cardiff oo sannadkan lagu qabanayo finalka Champions League waxa ay fursad u heli doonaan inay ku guuleystaan markii 12aad iyadoo ay ka hortaagan tahay kooxda Juventus.

Waxay dib u xaqiijin doontaa sida ay u heystaan una jecel yihiin tartankaan, iyadoo Real Madrid ay bandhig fiican ugu soo bandhigto Champions League.

realmadrid

Waxa ay sidoo kale hal talaabo u jiraan inay hantaan Champions League markii labaad oo isku xigta, waana wax aysan sameynin koox kale wakhtigan casriga ah, iyadoo kooxdii ugu danbeysay ee sidaas sameysay ay aheyd kooxda Arrigo Sacchi ee AC Milan ka hor inta aan koobka loo bixinin Champions League.

Juventus ayaa ah kooxda guusha ka horaagan Los Blancos laakiin waxa ay ka heystaan xusuus fiican oo finalka tartankaan ah iyadoo kooxda Talyaaniga ay aheyd kooxdii ay ka qaadeen koobkoodii 7aad ee Champions League finalkii ka dhacay Amsterdam Arena sannadii 1998.

Tan iyo markii uu yimid Jose Mourinho, Real waxa ay gaadhay seddex jeer oo isku xigta semi-finalka iyadoo mar walba ku hungoobeysay inay finalka u gudubto ka hor inta uusan Carlo Ancelotti u gacangelinin La Decima (Koobkii 10aad), iyadoo Real ay sannadkii ku xigtay gaadhay semi-finalka laakiin markaan waxaa reebtay Juventus.

Labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ee uu tababare Zinedine Zidane hayay kooxda waxa ay keentay in ninka reer France uu kooxda ku hogaamiyo labo final oo isku xigta.

14ka jeer ee ay Real gaadhay finalka oo ah in ka badan inta ay gaadhay koox kale waxaa laga badiyay kaliya seddex jeer, kulankii Benfica ee 1962kii, Inter Milan oo ka badisay labo sannadood ka dib iyo ugu danbeyn 1981dii markii Liverpool ay ku garaacday Paris.

Inta kale ee soo hadhay waxa ay ku dhamaadeen iyadoo Real ay gacanta sarre leedahay, sannadii 1956 waxa ay garoonka Stade de Reims koobka kaga qaadeen Fiorentina iyo Milan oo ay ka qaadeen labadii sanno ee ku xigtay ka hor inta aysan Stade de Reims ku qaadin koobkii afaraad ee isku xigta, waxa ay awoodooda sii wadeen markii ay koobka ka qaadeen Eintracht Frankfurt sannadii 1960kii.

Partizan ayay garaaceen sannadii 1966dii, waxaana Real Madrid soo martay 32 sannadood oo ay sugayeen koobkooda xiga iyagoo ku soo gabagabeeyay guul ay ka gaadheen Juventus finalkii 1998dii, taasoo keentay inay sidoo kale koobka ka qaadaan Valencia sannadii 2000 iyo Bayer Leverkusen sannadii 2002.

Labadii guulood ee ugu xigay waxa ay ahaayeen 2014 iyo 2016 oo ay labadaba ka qaadeen kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid.

Diyaariye: Wariye Xamse Jirde

COMMENTS
LINKS