Heshiiska Marsada Berbera: Wanqal Muujineysa Qaran Awood Leh Oo Hano-Qaadey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiiska Marsada Berbera: Wanqal Muujineysa Qaran Awood Leh Oo Hano-Qaadey!
May 14, 2017 - Written by Editor:

Hal-qabsi:

Marka Aad Himiladaa, Hilin Toosan Nin Mariyoo,

Hir Markii La Gaadhaba, Mid Labaad Hilaadshoo,

Haga Matidiisoo, La Hiigsade Dhashaabaa, Hooyo Lagu Xasuustaa,

Midho ka mid ah Heesta Hooyo, Abwaan M. I. Warsame (Hadraawi).

Khamiista ina dhaaftey oo taariikhdu aheyd 11ka Maay, 2017, waxaa ka qabsoomey magaalo-xeebeedka Berbera fantasiye loogu wanqalayey heshiiska dhowaan ay dowlada Jamhuuriyadda Somaliland la gashey shirkada caalamiga ah ee DP World. Heshiiskan waxaa uu dhigaayaa in labada dhinac iskaashi iyo wax-wada qabsi dhaqaale dhexmaro misna lagu horumariyo dhinacyo dhowr oo Jamhuuriyadda Somaliland ah sida, jidka dheer ee Berbera-Wajaale oo ah mid hal-bowle ah dhaqaale ahaan iyo istaraatiiji ahaan labadaba.

Heshiiskan ma uu aheyn mid si howl yar u qabsoomey kuna suurtogaley balse dowlada hadda talada heysa waxay kala kulantey caabi xoogan oo gudaha ah iyo cadaawad qaawan oo debada ah. Dulqaad iyo samir dheer ka dib, waxaa cadaatey in si guul leh ay u meel marisey dowladu hirgelinta heshiiska. Waa mid albaabo hor leh oo heer caalami u suurtogelinaaya Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida uu Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) ku sheegey khudbada uu goobta fantasiyaha ka jeediyey, waa mid fursad u ah dhamaan shucuubta gobolka iyo kuwa mandaqada guud ahaan, dhinac horumar, koboc dhaqaale, mid xoojinaya wada noolaanshaha iyo wax wada-qabsiga iyo is-dhexgalka bulshooyinka iyo kan nabadgelyada oo aad muhiim u ah uguna mudan. Waa himilo ay horseed reer Somaliland ka ahaayeen mar walba misna inta muddo aheyd laguna naaloonayey oo furasado nololeed laga macaashey. Waa mid madaxweynaha iyo inta haldoor ah ee la siman ay muddo ku foognaayeen sida iyo sida ay midho-dhal u noqon laheyd tan iyo cahdigii Urrurka dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed halganka hubeysan kula jrey taliskii macangaga ahaa ee hogaamiyihii Alleystey Max’ed Siyaad Bare. Waa himilo lagala kulmey tacab, dhib, iyo diihaal badan oo si joogto ah loogu howshoodey inta la soo wadey dib-u-dhiska iyo hirgelinta qaran oo reer Somaliland ku mashquulsanaayeen cahdiga dhamaadey ee rubuc qarniga ah (1991-2017).

Sida togan oo uu garnaqsiga iyo xee-ldhiirida leh oo Madaxwenuhu u sheegey waa mid duul-xul ugu filan inta canaad sokeeye iyo cadow shisheeye inala deris ah. Wanqasha heshiiskan waxay ku beegantey shirka loo qabtey Soomaaliya isla maalintan oo London ka qabsoomey. “Shirar maalmo lagugu marti qaado oo aan midho-dhal aheyn iyo maqdarad aduunyadu kuu dhigto oo hadba laguugu mano sheegto marna qaran kuma dhismo. Hase yeeshee waxay ummadi ku meel mari kartaa oo asaageed ku gaadhi kartaa marka himilo cad, hami fog iyo hal-abuur fog oo sal-dhig u yahey tacab, talo-wadaag, iyo iskaashi”. Sidaa waxaa tiraabey Madaxweyne Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) mar uu ka hadlaayey fantasiyaha musaasiba Heshiiska Marsada Berbera. Waa tilmaan iyo hogo tusaaleyn mug leh misna mudan waano iyo wax-ku-qaadasho wacan.

Sidoo kale waxaa Madaweynuhu si cad u tiraabey sida reer Somaliland ay uga go’an tahey nabad-ku-wada noolaanshaha iyo iskaashiga shucuubta mandaqada mar walba isaga oo hoosta ka xariiqey in ay mudnaan gaar u tahey reer Somaliland sida looga shaqeynayo himiladan oo ka caawineysa bulshooyinka geeska iyo kuwa mandaqadaba dhinacyada kobcinta dhaqaalaha, wax-is-dhaafsiga, is-dhexgalka, la dagaalanka argagixisada, fakhriga iyo gaajada IWM.

Intaas oo markhaati ka nahey ayaa waxaa jira in mar walba buuq, gurxan, iyo gulufku uu noqdo caado xun oo inta badan oo saareyda siyaasada ku wajaqdey ah ay isla oogsadaan marka howlo culus uu qaranku guda-galo oo meel marinaayo. Wey jiraan in goldaloolo ka imaan karto arrimahan oo kale balse ma aha in inaga ay noqdaan kuwa fursad ka bidaaya dhaliisha muuqan karta. Waa cadowgeena cida ay tahey in fursad ka dayaan. Faro dufan laga uriyo waxaa ka weyn danta guud oo meel markeeda meel looga soo wada jeedo. Kama dhaafayo dhaliisha ka iman karta hadba cida hogaanka heysa iyo xaqa ah in lagala doodo balse duur-xulkeygu waxaa weeye xintan in aan laga dhigan xaajo tilmaan iyo daaweyn inooga baahan ummad ahaan.

Wasiirka Arrimaha debada JSL iyo agaasimaha guud ee shirkada DP world si weyn ayey uga hadleen sida muhiim ay u tahey heshiiskan dhinac walba waaney ku mahadsan yihiin. Waxaa xusid mudan in arrin aad muhiim u ah oo xoojineysa heshiiska laga iclaamiyey goobta fantasiyuhu ka qabsoomayey. Waa saamiga Itoobiya ku leedahey heshiiska (19%) oo muujineysa sida reer Somaliland ugu bislaadeen dowladnimada iyo iskaashiga hadba inta dan la wadaagi karo. Waxaa uu kalsooni u yahey in shaki kasta iyo sabab walba loo sibir saarayey heshiiska ay waxba kama jiraan tahey. Waa arrin labeyneysa nabad-ku-wada noolaanshaha dadyowga mandaqada oo reer Somaliland hormood ka yihiin mar walba. Ha ku quusteen kuwa lahaa Itoobiya ayuu isku keen dirayaa oo xidhiidhkeena xumeynayaa. Waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa xisbiga UCID oo ku suntan u HIILINTA QARANKA MARKA AY DHAHARATO iyo sida weyn oo uga qeyb-galey fantasiyaha. Kuwa kalena waa in ay kala saaraan xafiiltanka iyo danta qaranka oo lama taabtaan ah. Waxba igama gelin marka halkan ay mareyso faro dufan leh iyo cid ay ku yaaliin. Ugu filan ceeb iyo tilmaan taban haddiiba la ogaadey balse qaran-weynaha ayaa mudnaanta koowaad leh. Hambalyo iyo hambalyo dhamaan inta ka shaqeysey waxaaney mareen dariiqa kuwa hore mareen oo qaranka naftooda u hurey. Yeelkood inta ka shaqeysatey waaba wax iska yar wax ay ka dheefi karaan Aakhirona waa halkeed.

Waxaan kaga baxayaa, Allahahow Somaliland dhowr mar walba.

Allaa mahad leh,

Qalinka:     Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 

Tel:             0634137470

Email:                  Mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS