ODOROS MALE-AWAALKA MUUSE BIIXI MADAXWEYNE AH Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ODOROS MALE-AWAALKA MUUSE BIIXI MADAXWEYNE AH Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
May 15, 2017 - Written by Editor:

Odoraskaygan male-awaalka ah Ee Muuse Biixi Madaxweyne ah Wuxuu ku dhisnaan doonaan, dib u jalleeca taariikhdii,

Muuse biixi Jabhad ahaa. Muuse Biixi halgankii nabadda iyo hubka dhiggii ka qayb qaatay. Muuse Biixi Wasiir arrimo-gudeed ahaa. Muuse Biixi hoggaanka Xisbi mucaarid ka mid ahaa. Muuse Biixi xisbul-xaakil guddoomiye iyo Musharrax Madaxweyne ba u ah.

Isku soo wada xoori oo Muuse Biixi maalmaahaasi sameeyeen Odoraskiisa isagoo Madaxweyne noqda ayaan u holladay inaan qalinka u qaato. Qodobbo door ah ayaan halkan idinkula wadaagi doonaa, qaarkood waxa aan ka filayo, qaarna waa waxa aanan ka filayn. Rabbi baa wax runta oge waa iga saadaal qoraalkan koobani.

Waxa ka mid ah:

  1. Wuxu dhisi doonaa arrimaha Gaashaan-dhigga.
  2. Waxa aanu hurumar mug leh ka gaadhi doonin arrimaha diblamaasiyadda.
  3. Wuxuu xakame bir ah afka u gelin doonaa saxaafadda, oo ku qasbi dooni in ay si edeb badan wax u qoraan.
  4. Wuxuu guulo ka gaadhi doonaa arrimaha Diblamaasiyadda Dhaqanka “ Traditional diplomacy”
  5. Kuma niyad-sami in uu musuqmaasuqa ka dheeraan doono. Hasa yeeshee, qaataye aan qaado noqon mayso oo wuxuu ka adkaan doonaa golahiisa wasiirrada, qarankana “musuq-wadarreed” ka dhici maayo.
  6. Go’aanno badan oo adag oo danyarta u dan ah in uu qaato way u badan tahay.
  7. Hannaanka saami-qaybsiga kuraasta ee Somaliland in uu dib u eegis iyo wax ka beddel ku sameeyo waan filayaa. Reeraha ay u malaynayo in uu dalacsiindoono waxa ka mid ah CIise oo aan saami u qalma ka helin Somaliland. Harti iyagana in uu ka qosliyo laga yaabaa, waxa aan se ku rajo-weynahay in uu jilibkiisa (Subeer-awa) oo dowladnimadu markasta u sed-buriso in uu yidhaa ummadda la mid noqda.
  8. Heesaha ammaanta ah u malayn maayo in uu lacag badan iyo wakhti badan Qaranka ka gelin doono.
  9. Koox Ganacsato ah oo reer Djibouti u badan Qarankana culays badan ku haya oo saaamayn mug leh ku leh ma filaayo in aanu u hoggaansami doonin.
  10. Walaw, aw is dhawri doono haddana wuxu odhan doonaa ereyo xanaf leh.
  11. Aqoonta uu ka faa’iidaysan doonaa, oo dad aqoon leh ayuu adeegsan doonaa.
  12. Goortan marka aan ka dhaqaaqno dad wanaagsan oo isaga ummadda wanaag ka dhex dhaliyaa kuma xeerraan doonaan.
  13. Waxbarashada iyo tacliinta dawliga ah inuu tayeeyo waan filayaa.

LA SOCO…

COMMENTS
LINKS