Musharaxnimada Muuse Biixi Oo Caqabad Ku Noqotay Saldanadaha Kala Duwan Ee Beelaha Subeer Awal Iyo Doorka Uu ku leeyahay Khilaaf Beesha Cabdiraxmaan Sacad?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxnimada Muuse Biixi Oo Caqabad Ku Noqotay Saldanadaha Kala Duwan Ee Beelaha Subeer Awal Iyo Doorka Uu ku leeyahay Khilaaf Beesha Cabdiraxmaan Sacad??
May 15, 2017 - Written by Editor:

Sirta ku Duugan Qorsha Uu ka Leeyahay Muuse Biixi Burburinta Saldanadaha Dhaqanka Beesha Subeer Awal Iyo Bar Bilowga Doonista Kursiga Iyo Duqaynta Dhaqanka!!

Hargaysa (Wajaalenews) Tan iyo intii gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Xisbiga Kulmiye  u hanqal taagay in uu mar uun ku fadhiisto Kurisga madaxwaynenimo ee Somaliland Sifadii uu doonaba ha u soo maree  Dabayaaqadii  Sanadkii tagay 2015 kii waxaa uu noqday musharaxa xisbiga Kulmiye isaga oo talaabadiisii ugu horaysay ee uu taageero ku raadiyo si badheedh ah dube ula dhacay saldanadii dhawrsanayd ee guunka ahayd ee beelwaynta Subeer Awal isaga oo u maray nidaam munaafaqadaysan oo madaxa isku galiyay dhamaan salaadiiinta kaladuwan ee beeshaas.

muuse doone

Waxaanu durbadiiba sida la ogyahay weerar culus ku qaaday sidii uu uga takhalusi lahaa Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan isaga oo caleemo saar aan micno badan ku fadhiyin ku caleemo saaray nin ay ilmaadeer yihiin Suldaan Xasan  balse nasiibdaro uu ku guul daraystay sidoo kalana waxaa ka raacday ceebtii ugu waynayd, waloow ay colaad shilis ka dhex abuurtay madaxda dhaqanka ee beesha Subeer Awal.

SULDAANKA GUUD

Gudoomiye Muuse Biixi kuma Eeka intaas oo kaliya ee waxa uu xiligan si badheedh ah khilaaf hor leh ka dhex aloosay mid ka mid ah saldanada Beelaha Subeer Awal Khaasatan Beelaha C/raxmaan Sacad oo dhawaan uu ku geeriyooday Suldaankii beeeshaas  Suldaan Jaamac Magaalada Jabuuti Kaas oo Sida Sharcigu ahaa loo caleemo saaray suldaanka Beeshaas in uu noqdo wiil uu dhalay suldaankaas geeriyooday balse waxa khilaaf badan hadheeyay beeshan kadib Caleemo saarkiisii. Kaasi oo uu huriyay nin ganacsade ah oo ka mida isla beesha safka horena kaga jira xubnha u ololeeya gudoomiye muuse biixi .

Waxaanu gudoomiye Muuse Biixi Ka dhex abuuray caleemo saarka Suldaankan Khilaaf xoogan oo kala Erdheeyay isku duubnaantii  beesha C/raxmaan Sacad isaga oo ka agsameeyay Suldaan kale oo sida la sheegay maslaxad u ah damaciisa Siyaasadeed.

caleemo saarka suldaan 4

Balse nasiib wanaag wasaarada arimaha gudaha Somaliland ooh ore u joojisay caleemo saarka madaxda dhaqan ayaa diiday in la caleemo saaro ninkan uu wato murashaxa kulmiye iyo ganacsadahan reerkiisa khilaafka ka dhex abuuray waxayna wasaarad arimaha guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo  ay xabsiga u taxaabeen suldaankaa feedho jeexa ah ee huwan magaca Kulmiye, kaasi oo xidhnaa mudo gaaban waxaana sidoo kale masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha iyo badhasaabka gobola maroodi jeex ay amreen isna la xidho ganacsadihii watay hawshan lagu caleemo saaray ninka ayaa ka horyimid murashaxa kulmiye in gabi ahaanba xidho

Sidoo kale  sidii caadada u ahayd musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la wariyay inuu ka shaqeeyay qaybna ka ahaa siidayntiisa si uu markale khalkhal u galiyo Suldaankan magaca Kulmiye Huwani Saldanada beeshaas ee la isku waafaqsan yahay waxaana xusuus mudan beesha cabdiraxmaan sacad ahayd beesha kaliye ee aan khilaaf dhaqan hore usoo marin iyadoo ah mudantii sacad muuse amaba curadkii guud ee beesha.

sacad muuse 33

Dhanka kale waxaa iyana muuqata in badi salaadiyinta isla beeshan aan kor kusoo xusay ay mudooyinkaN Danbe ku mashquulsan yihiin sidii looga arinsan lahaa faro galinta joogtada noqotay ee murashax muuse iyo bilowga shirar laga tashayo wixii lagaga hor tagi lahaa qorshahan oo ay ku hawlan yihiin madax dhaqameedka waxaa lafilayaa in ay maalmaha soo socda ku dhawaaqaan talaabooyin adag oo saamay siyaasadeed ku yeelan kara damaca muuse iyo isku duubnida  beesha khilaafka kulmiye iyo damaca muuse biixi kala irdheeyeen.

suldan shibir

SULDAAN ISMAACIIL

Si kastaba ha ahaatee gudoomiye Muuse Biixi ayaa noqonaya masuulkii u horeeyay ee hankiisa ku duqeeya saldanadaha dhawrsan ee guunka ah ee Beelaha Subeer Awal.

gudida beesha sacadmuuse 2

 

WAJAALENEWS DESK

WARIYE A, A,  HABANE

 

COMMENTS
LINKS