Wasiirka Cadaani Iyo Gudoomiyaha Solja Oo Shaqadoodii kusoo Ururtay Dilaalista Warbaahinta, Iyo Dulucda kulano ay Layeesheen Maalmihii Ugu Danbeeyay Oo Laga Cabsi Qabo in ay Majaro Habaabiso Barmaamijka Taakulaynta Baaraha!!, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Cadaani Iyo Gudoomiyaha Solja Oo Shaqadoodii kusoo Ururtay Dilaalista Warbaahinta, Iyo Dulucda kulano ay Layeesheen Maalmihii Ugu Danbeeyay Oo Laga Cabsi Qabo in ay Majaro Habaabiso Barmaamijka Taakulaynta Baaraha!!,
May 17, 2017 - Written by Editor:

Cadaaniga Warfaafinta Iyo Xuutaha Ururka Solja Oo Maleegaya Qorshe Ay Marlabaad Warbaahinta Ugaga Faaiideystaan  Dano Dhaqaale Urursi  iyo saamaynta ay ku yeelan karto Barmaamijka Lagu ururiyo Magaca Bulshada Ay Abaaruhu Baro kiciyeen!!.

Hargeisa(W,N)-Labadan Shaqsi oo Ku Magacaaban Labada Masuul Ee Wasiirka Wasaarada Warfaafinta C.laahi Saxardiid Cadaani iyo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud cabdi jaamac Xuuto. Ayaa Gabi Ahaanba Loo Arkaa Inay ka Leexdeen Hogaamintii Iyo Dhaqankii Labadan haayadood Oo Ahaa Kuwa bulshada waxlooga Gudbiyo islamarkaana Ahaa Kuwa haga Qorsheyaasha Warbaahinta Somaliland Iyo Horumarinta Qarankan taabo galay, Waxaa Imika Ay u muuqdaan Kuwo Shaqadoodiiba Kusoo koobay Kaliya Inay Dilaaliin ka Noqdaan Laamaha Warbaahinta Oo Ay U kala Dab-qaadaan Madaxtooyada Iyo Laamaha Warbaahinta Dalka Kuwaasi Oo Dhadhamo Dhaqaale Iyo Dhuun Aan Buurnayey Dheeftiisa Ka Raadiya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta C/laahi Saxardiid Cadaaani Ayaa isagu imika Shaqadiisa Kusoo Koobay Kaliya Cayda Iyo Aflagaadeynta Siyaasiyiinta Xukuumada Somaliland Dhaliisha usoo jeediyey ama Xisbiyada Mucaaridka, Iyo In marba uu uga Faaideysto Xusaska Qaranka Iyo Munaasibadaha Arrimo Dhaqaale Oo Uu Warbaahinta Inta Uu Adeegsan karo Dirto, isagoo Waxoogaaga Dhaqaalaha Ah ee Loogu Dhiibo Warbaahintana dhexda u gala.

CADAANI IYO XUUTO

Waxaa isna la Ogyahay Oo Wax aad Loola Yaabay noqotay Gudoomiyhii ururka Saxaafada Somaliland Oo Hore U Ahayd Haayada Kaliyaata Ee Sida Tooska Ah Uga Shaqaysa Xoriyada Saxaafada Kor u Qaadida tababarada Mihnada saxaafada Iyo madaxbanaanideeda ayaa Muddo laba sano dheeraad ka hor Waxaa Gudoomiye Looga Dhigay Maxamuud cabdi jaamac Xuuto Oo aan aqoon hore iyo waayo aragnimo muddo kar ah u lahayn mihnada saxaafada iyo horumarinteeda, Waxaana Isna Shaqadiisu Wakhtigan Kusoo Ururtay Inuu Noqdo Qofka koowaad ee gacanyaha U fududeeya Dhinaca Warbaahinta Uu noqodo Wasiir Cadaaniga Warfaafinta, Waxa Sidoo kale hadda uu aad mashquul ugu noqday dilaalista shaqsiyaadka ama warbaahinta qalinkooda ay dhibsato madaxtooyada Somaliland iyo wasaarada maaliyadu.

Sidoo kale Waxa uu Caadaystay Dilaalista In marka Loo Baahdo warbaahin Wax u Gudbisa Bulshada Uu Noqdo Qofka kaliya ee Loo igmado Yeedhmada Warbaahinta iyo wax Ka Dhaadhicintoodaba isagoo Kulamo Farobadan Oo Kala Duwanaa Oo Warbaahintu la Shirtay Saxaafada safka hore kagaga jiray shaqsiyaadka sida tooska ah ula baayactama hadba cida danta leh ee doonaysa in wax loo gudbiyo,

Waxaana In badan Dhacday in Shaqsiyaad gaara Iyo laamo warbaahineed oo kooban oo ay isku afkaar yihiin uu hadba telefoonka uguga yeedho, isagoo inta kale ee laamaha warbaahinta ah ku kaco inuu lunsado ama jeebka ku shubto waxoogaaga loogu dhiibo.

 

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxay ahayd Muddo yar Uun ka Hor markii dhawaan Warbaahinta dalka

Ay labada Dilaal iskugu yeedheen Si Bulshada Abaaruhu Saameeyeen loo Ururiyo Dhaqaale Samato bixineed oo loogu gurmado, Waxaana Warbaahinta Maxaliga ah ee Qarankani leeyahay Si Wayn iskagaga Xilsaareen in Ay baahiyaan Warar Iyo barnaamijyo Ka Waramaya Halka Ay marayso Xaalada Abaaraha Somaliland Gurmadna Ay U baahan yihiin Dadka Dhibaatadu Soo gaadhay, Waxaana Warbaahintu Soo Xeraysay Dhaqaale Aad u tiro badan oo ka Badan Ilaa 6 Milyan oo Dollar, Lacagta Intaasi Leegi Meel Ale meel la Mariyey ma Jirin Cid Wax jawaab ah lagaga soo celiyey, ama bulshada la gaadhsiiyey.

Iyadoo Arrintaasi Hore Laysku Waydiinayey oo Bulshadu la Yaaban yihiin sida aan loogu naxayn shacabka ayaa haddana waxa maalmahanba shaqsiyaadkan iyo kuwo kale ku hawlanaayeen inay warbaahinta usii dhexmaraan qorshe dhaqaale urursi oo ay ku sheegeen in dadka abaaraysan xoolo loogu iibin doono, waxaana Dood Su’aalo  iyo Aragtiyo lagu waydiinayo wax warbaahintu sida arrintan loo fulin karo ee bulshada wax loo gaadhsiin karo waydiiyeen saxafiyiintii ku sugnaa shirar ay saddexdii cisho ee u danbeeyey la yeelanayeen.

Waxaana Dulucda Nuxurka Kulmadan Ay isugu yeedheen Ahaayeen kuwo ay Ku Doonayaan In Marlabaad Warbaahinta Looga faaiideysto Ururinta Dhaqaale Ay ugu magac Dareen  In La Gaadhsiinayo Bulshada Abaaruhu Saameysay.

Waxay Haddaba Is Waydiintu  tahay Maxaa Ka Lilaahiya Dilaaliintan Godka Madow Ku Riday Mihnadii iyo Qiyamkii Warbaahinta Somaliland Ku lahayd Shacabka ee Iyagu Ka Dhigtay ilo Ay Dhaqaale ka raadsadaan.

 

Hargaysa Somaliland

Qore Farxaan maxamed Barkhad

 

 

COMMENTS
LINKS