Kulan Saacado Qaatay Oo Dhex Maray Sheekhal Baladka Gobolka Gabiley Iyo Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Saacado Qaatay Oo Dhex Maray Sheekhal Baladka Gobolka Gabiley Iyo Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro,
May 18, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Kulan aad u muhiim ah oo lagaga hadlay Arrimo qiimo badan ayaa dhex maray Dr. Ciise sheekh Muxumed Warsame (Sheekh muxumed yare) iyo murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan cirro. Dr Ciise wuxuu ja soo jeedaa sheekh muxumed yare oo ah sheekhal baladka Gabiley iyo caalim caan ka ah Soomaali dhexdeeda. Kulankan waxaa diktoorka ku wehelinayay mid ka mid cuqaasha Gobolka.

kulanki Dr ciise sheekh iyo gudoomiye cirro

Habada Kulankan ayaa ugu horay waxaa uu sheekhal baladka gabiley oo soo bandhigay arimaha muhiimka ah ee ay ubaahan tahay in wax laga qabto gobolka gabiley mustaqbalka dhow kuwaasi oo dhamaan ahaa kuwo salka ku hayo sidii gabolka gabiley looga shaqayn lahaa horumarkiisa, xaga beeraha , dhaamystirka shuruucda gobolnimo iyo sidoo kale halka uu kaga jiro jaangaynta siyaasada dalka oo intii xukuumada kulmiye talada qabsatay hoos u dhac wayni ku yimid,

KULMIYE

Kulank oo ahaa mid   muujinaya awooda taageero ee Waddani ku leeyahay Gobolku inay xoogaystay mar haddii sheekhal baladkii iyo tafiirtiisii oo kumaankun ahi ay doorbideen isla markaana u duceeyeen Craxmaan Cirro.

gabiley picture

“Waxaan Ilaahay Ka baryayaa inuu kaa dhigo mid dalka iyo dadka samatabixiya oo khayr u leh. Waan kuu duceeyay waanan ku garab taagan nahay” ayuu Dr. Ciise Ku Yidhi Murashaxa.

Dhinaca Kale Murashaxa Waddani ayaa dareen farxad iyo waji furnaan ah ku qaabilay Dr Ciise oo ka wakiil ahaa mid ka ah qoysaska la majiirto ee Gabiley. “Waxaanu ballan qaadayaa inaan miisaanka qoysku leeyahay iyo ka Gobolkaba siiyo Gabiley” ayuu cirro yudhi.

Kulanka ayaa ka dhacay Guriga Craxmaan Cirro Ee Magaalada Hargeysa.

Si kastaba Ha ahaatee waxaa mudooyinkii udanbeeyay gobolka gabiley ka bilowday dhaq dhaqaaqo xoogan oo loogu jiro sidii dalku isbadal siyasadeed u gaadhi lahaa iyadoo qoyska reer sheikh muxumed yare ay kamid ahaa saldhigii guusha kulmiye ee doorashadii uu ku hantay talada dalka kaasi oo uu xilka gudoomiyaha xisbiga kulmiye eegabiley  xiligaa ahaa Xasan sheikh Muxumed Warsame wallow kooxii ku xeernaa siilaanyo ay markii danbe ugu abaal gudeen in aanu kamid noqon xukuumadii ka dhalatay guushii uu keenay Alakheeda Gabiley iyadoo loogu badalay ficilo fogayn iyo  garbin siyaasadeed iskugu jira

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS