Ganacsatada,Indheer-Garadka Iyo Aqoonyahanka G/Gabiley Oo Uga Digay Xisbiga Kulmiye Cawaaqib Xumo Ka Dhalan Doonta Ololaha Qabyaaladaysan Ee Uu Ku Wiiqayo Midnimada Bulshada S/land!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsatada,Indheer-Garadka Iyo Aqoonyahanka G/Gabiley Oo Uga Digay Xisbiga Kulmiye Cawaaqib Xumo Ka Dhalan Doonta Ololaha Qabyaaladaysan Ee Uu Ku Wiiqayo Midnimada Bulshada S/land!!
May 18, 2017 - Written by Editor:

Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Waxuu Hogaaminayaa Koox Isku Bahaysatay In Ay Wiiqaan Midnimada Iyo Wadajirka Bulshada S/land + Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Doonta!!

Tog Wajaale (W,N) Tan iyo Maalintii Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye loo doortay Muuse Biixi Cabdi waxaa si xawli ah sare ugu kacday Xeeladaha uu ku Wiiqayo Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land iyadoo Maal-qabeeno,Masuuliyiin Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka tirsan , Siyaasiyiin iyo Maayarro Taageeraa ay u adeegsadaan Fulinta Ololaha Qabyaaladaysan Awooda Laa-luushka oo Xoolo badan ku bixinayaan in ay Wiiqaan ama ay Burburiyaan Bulshada S/land iyadoo Maalmahan u danbeeyay Kooxda ku shaqaysa Siyaasada Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ay Olole Balaadhan ugu jiraan sidii ay u Wiiqi lahaayeen Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land  iyadoo kooxda uu hogaaminayo Muuse Biixi ay ku guulaysteen in ay Bulsho Waynta G/gabiley cagta saarto jidka Qabyaalada oo aanay Waligeed marin oo maanta Dadwaynaha G/Gabiley Dhaxalsiin doonto Cawaaqib xumo iyo dhagxumooyin aanay ku lahaan jirin Bulshada S/land dhexdeeda.

gabiley

Iyadoo Todobaadkan ugu danbeeyay Kooxda isku bahaysatay in ay Wiiqaan Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land ay si Xawli ah uga Shaqeeyeen Dagmooyinka G/Gabiley waxaana la filayaa in maalmaha soo socda in ay Xaflado iyo Munaasibado ku qabtaan Magaalada Gabiley isla markaana kooxdani  Qorshaysay in Xafladaha ay qabanayaan lagu Aflagaadeeyo laguna Xajiimeeyo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Dr C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro waxaana hubaala in Xeeladahaa iyo Shirqooladaa lagu wiiqayo Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land uu hogaaminayo Murashaxa Madaxwaynaha Xsbiga Kulmiye  Muuse Biixi ay Sababi doonto Cawaaqib Xumo Saamayn Balaadhan ku yeelata Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land .

Dhanka kale Xeeladaha uu Hogaaminayo Muuse Biixi ayaa Sababay in Ganacsatada,Waxgaradka,iyo Aqoonyahanka G/Gabiley ay Taageero baaxadleh la garab joogsadaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Dr C/raxmaan Cirro iyagoo Ganacsatada,Waxgaradka iyo Aqoonyahanka si wayn uga hor jeestay  Ololaha Qabyaalada Salka ku haya ee Muuse Biixi ku wiiqayo Midnimada Bulshada S/land iyo Anshaxa Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land .

Mar kale Xubno ka mida Ganacsatada,Waxgaradka iyo Aqoonyahanka oo aanu waxka waydiinay sida ay u arkaan Ololaha Qabyaaladaysan ee Tolayda ah ee Muuse Biixi ka wado Bulshada Gabiley ayaa ku jawaabay sidan, Waa dhacdo Saaxada Siyaasada Ugub ku ah waxaana noo Xaqiijay in Cawaaqib xumo Riiq dheer reebta ay Sababi doonto hadii Muuse Biixi ka waantoobi waayo Ololaha Qabyaaladaysan isla markaana ay Wiiqi doonto Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land mar  aan waydiyay Xubin ka mida Ganacsatada in Olalaha Qabyaaladayani uu saamayn ku yeelanayo isdhexgalka Bulshada Bari iyo Galbeed waxuu ku jawaabay sidan, waa hubaal in Ololaha Qabyaaladaysani in uu Saamayn Balaadhan ku yeelanayo Isku socodka Ganacsiga  iyo isdhexgalka Bulshada S/land waana in la joojiyo oo laga Waantoobo.

Isku wada duubuu waxay Ganacsatada,Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Bulshada G/Gabiley uga baaqayaan in Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu ka waantoobo Ololaha Qabyaaladaysan ee uu ku Wiiqayo Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land isla markaana Ololaha Qabyaalada ku salaysan uu ku badalo mid Wadaniyad ku salaysan iyo Qorshihiisa Waxqabad oo uu u soo bandhigo Habka uu u hogaamin doono Dalka S/land .

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS