Al-shabaab Oo Baahiyay Muuqaalka Askari Kenyaan ah Oo lagu Qabtay Weerarkii Ceelcadde Sanadkii 2016ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo Baahiyay Muuqaalka Askari Kenyaan ah Oo lagu Qabtay Weerarkii Ceelcadde Sanadkii 2016ka
May 19, 2017 - Written by Editor:

MUQDISHO (W,N) – Xarrakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaalka askari ka tirsanaa ciidamada Kenya oo horaantii bishii Janaayo sanadkii 2016ka lagu qabtay weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

ASKARI KENYA AH

Alfred Danyi ayaa ka codsaday shacabka Kenya inay u midoobaan sidii looga saari lahaa Al-Shabaab oo muddo sanad iyo bilooyin uu gacantooda ku jiro.

“Laga soo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ah kama helin dowladeena, Ma aanan helin wax caawin ah, sidaas darteed waxaan shacabka Kenya ka codsaneynaa in ay u midoobaan arinteena, una raadiyaan xal lagu soo afjarayo Mushkiladda na heysata” ayuu yiri.

Weerarkii Ceelcadde ee sanadkii hore ayaa la sheegay in tiro ka badan 11 askari nolasha lagu qabtay, kuwaa oo gacanta u gallay xoogagga Al-shabaab.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2016 ayay aheyd markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasoo lagu dilay askar ka badan boqol.

 

COMMENTS
LINKS