Waa Kuma Khabiirkii Dhowaan Joojiyey Weerarkii Electroniga ahaa?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Khabiirkii Dhowaan Joojiyey Weerarkii Electroniga ahaa??
May 19, 2017 - Written by Editor:

Waxaa la ogaaday in khabiirkii joojiyey Weerarkii electronicada ahaa ee dhowaan boqolaalka dawladood lala beegsaday inuu ahaa Marcus Hutchins oo ahaa arday hore looga caydhiyey waxbarashada markii lagu eedeeyey falal dhanka Hackers-ka ah ama budhcada internet-ka ah, waxana uu gaadhi kari waayey inuu helo shahaadada Dugsiga sare ee macluumaadka tiknoolajiyadda.

Marcus Hutchins oo u dhshay Dalka Britain waxa uu khatar ku dhici lahayd ka hor joogsaday ugu yaraan 100 kun oo Computer oo daafaha caalamka kala yaallay, isagoo muddo 72 saacadood ah la dagaalamayey Virus-kii lagu soo qaaday weerarka, waxana uu xiligan ka shaqeeyaa xarunta amniga Internet-ka ee Wadaniga ah, isagoo sheegay in aanu doonayn in uu xiligan ka tago shaqadiisa uu ka hayo shirkada  Kryptos Logic” oo xarunteeda guud tahay Dalka maraykanka.

khabiir-620x264

Khabiirkan dhalinyarada ahi waxa uu sheegay in inkastoo uu guul weyn gaadhay hadana ay xiligan ku soo korodhay werwer dhanka ammaankiisa ah, isagoo ka baqaya inay koocaha budhcadda Internet-ku ka aar goostaan, gaar ahaan xiligan oo warbaahintu soo bandhigtay magaciisa iyo meesha uu ku nool yahay ama ka shaqo galo.

Hussein Kurdi

xogtadunida.com

COMMENTS
LINKS