Talo ku Socota Xukuumada Iyo Lacagta La Ururinayo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo ku Socota Xukuumada Iyo Lacagta La Ururinayo!!
May 19, 2017 - Written by Editor:

Xukumadu Way Ku Mahadsan Tahay Fikirka Fiican Ee ah Dadkaaga Abaaruhu Heleen Caawi Waana Wax Fiican.

Hadaba Lacagta 10ka Malyan ah Ee La Uruurinaayo Ee Ay Yidhaahdeen Dadka Ayaanu Ceelal, Beero, Dhaamam iyo Xoolo Ayaa Loogu Qabanayaa Waxaanu Ka Codsanaynaa Xukumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Inay Inoo Soo iibiyaan.

4 Riig oo Waligeen Dadka Loogu Qodo Ceelal, Halkii Riig Waa $500(shan boqol oo kun Dollar)  Afarta Xabo Waxa Ay Noqonayaan 2 Malyan Waana Hanti aynu Leenahay oo Wakhti Kasta aynu Ku Qodan Karno.

Sidoo Kale Dadka Beeraha loo Qodayo Ha Loo Soo iibiyo 10 Cagacagaf  Halkii Cagaf Waa $100,000 kun 10ka Xabo Waa $1,000,000(hal Malyan) Sanad Kasta Dadka loogu Qodo.

Hadii Kale oo Cid La Siiyo Mashruuca Qodista Waxa ay u Eeg Tahay in Cid Gaara Lagu Naasnuujinaayo Waxayn Noqonaysaa Musumaasuq Markaa Danta Dadka iyo Dalka Waxa ay Ku Jirtaa In Qalabka aynu Soo iibsano oo Dawladu Lahaato.

Wabilaahi Towfiiq

  1. Ali Mataan

Muwadin Reer S/Land ah

COMMENTS
LINKS