Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Oo Washington Lagu Soo Dhaweeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Oo Washington Lagu Soo Dhaweeyay
May 21, 2017 - Written by Editor:

Warsaxaafadeed: Somaliland Mission Washington DC.

Waxa maanta oo ay bishu tahay 20ka May ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Dullas International Airport ee magaalada Washington DC Wasiirka Arimaha Dibeda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire. Wasiirka waxa Airportka ku soo dhaweeyey safiirka Somaliland ee dalkan Maraykanka Mudane Rashiid Gaaruf, masuuliyiinta xisbiga talada haye ee Kulmiye ee dalkan Maraykanka iyo jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Washington DC iyo nawaaxigeeda.

SACAD CALI SHIRE

Wasiirka safarkiisu waa mid shaqo oo uu kula kulmi doono musuuliyiin ka tirsan dawlada maraykanka iyo kuwa United Nationka mudada uu joogo dalkan Maraykanka. Wasiirku wuxu kulamo ku leeyahay Washington DC illaa maalinta Khamiista, waxa kale oo uu ka qayb qaadan doonaa xaflad qaadhaan loogu ururinayo dadka reer Somaliland ee abaaruhu saameeyeen hebeenka Arbacada ee bishan May tahay 24ka, halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyada reer Somaliland.

 

Xafiiska Somaliland Ee Washington USA

6019 Tower Ct

Alexandria, VA 22304

Office – 703-370-1423

Mission@somaliland.us

COMMENTS
LINKS