Gen. Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuum Muj.Axmed Jaamac Siciid(Jibiiqe) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gen. Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuum Muj.Axmed Jaamac Siciid(Jibiiqe)
May 24, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)taliyihii hore ciidanka qaranka Somaliland  Muj.Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif)ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Marxuum Muj.Axmed Jaamac (Jibiiqe) oo ku geeriyoday Magaalada Hargaysa isla Shalayna Lagu Aasay Isla magaalada Hargaysa.

Muj.Maxamed Xasan C/laahi Oo Ka Hadlayay Taariikhda iyo Raadka Uu Marxumku ku lahaa  halgankii dhidibada loogu taagay qarankan aynu maanta hadhsanano ee Somaliland waxa uu Yidhi.

“Marxuum Jibiiqe aqoon dheer ayaanu isku lahayn, waxa uu ahaa shaqsi qayb libaax ka qaatay halgankii lagu xoreeyay qarankan Somaliland  waaxanu ahaa Rabi Naxariistii Jano haka waraabiyee shaqsi daacad ka ahaa halganadii kala duwanaa ee dhidibka loogu taagay Jamhuuriyadan aynu Hadhsanano, runtiina kama uu bixin Qoyskiisa ee wuxu kabaxauy guud ahaan shacabka Somaliland waana shaqsila tabi doono, waxaanan ilaahay marxuumka uga baryayaa in rabi naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Somaliland oo uu ka baxayna rabi janadii Fardawsa ka waraabiyo”

 

 

COMMENTS
LINKS