Maalinta Khamiista Ee Bari Oo La Xabaalayo Dadkii U Badnaa Reer Somaliland Ee Diyaaradu Ku Gumaaday Xeebaha Yemen Iyo Intii Badbaaday Oo La Soo Celinayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maalinta Khamiista Ee Bari Oo La Xabaalayo Dadkii U Badnaa Reer Somaliland Ee Diyaaradu Ku Gumaaday Xeebaha Yemen Iyo Intii Badbaaday Oo La Soo Celinayo
May 24, 2017 - Written by Editor:

Cadan(Wajaalenews)115 Rag, Dumar Iyo Carruur Laga Soo Daayey Xabsiyada Yemen Oo La Soo Celinayo Iyo Dhaymaha Dhallinyaradii Weerarka Ku Dhaawacmay Oo Socda

Yemen, 24 Meey, 2017-(Himilo) – Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Khamiista Berri la aasayo Meydadka Dhallinyaro u badnaa Reer Somaliland oo Horraantii bishii March ee Sannadkan ku dhintay Duqeyn Diyaaradi u geysatay Dooni ay ugu Safrayeen Dalka Suudaan.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ee dalka Yemen Danjire Axmed Cabdi Xasan Suudaani, ayaa sheegay in xabsiyada laga sii daayay Qoxooti Soomaali ah oo ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalada Xudayda ee dalka Yemen horraantii bishii March ee sanadkan 2017.

Qunsulka ayaa dhinaca kale sheegay in bukaanada duqeyntaasi ku waxyeeloobay dhaawacyadooda in loo soo wareejiyay magaalada Cadan, halkaas oo hadda lagu daweynayo.

Qunsulku wuxuu hoosta ka xariiqay in hadda lagu guuleystay siideynta 115 Qaxooti Soomaali ah oo Isugu Jiray Carruur, Haween iyo Rag, “Qaxootiga laga soo daayey xabsiyada Xudayda tiro ahaan waxa ay gaadhayaan 86 Rag ah iyo 27 Dumar iyo 2 Caruura, waxaana loo sameynayaa baadhitaano caafimaad ka hor inta aan loo qaadin Cadan,  si ugu dambeyn loogu soo daad-gureeyo dalkoodii hooyo” ayuu yidhi Danjire Axmed Suudaani, waxaanu intaa ku daray “Maalinta Khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 25 May 2017 (Berri) ayaa la aasi doonaa Meydadka 31-kii ruux ee ahaa Qaxootiga Soomaalida ee lagu laayay Dooni ay la socdeen, waxaana arrintaasi si gaar ah aan uga mahad celiyey hay`adda ICRC iyo jaalliyadda Soomaalida ee  Sanca oo gacan ka geystay..”

Inkasta oo uu Qunsulkani sheegay in Dadka duqeynta ku dhintay ee la aasayo tiradoodu dhan tahay 31, laakiin Warbaahinta ayaa hore u baahisay in Dadka Duqeynta ku dhintay intaa ka badnaayeen oo ay gaadhayeen illaa 41 ama 42.

Dadka Duqeynta ku dhintay oo u badnaa dhallinyaro, ayaa kala tagay Magaalooyinka Somaliland, sida Burco, Laascaanood, Buuhoodle iyo Ceerigaabo.

 

 

COMMENTS
LINKS