Daawo Hayaada shaqaalaha oo noqotay meesha ugu musuqmaasuqa badan iyo baraanij naxdin leh oo laga sameeyay + Sharmaake geele. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo Hayaada shaqaalaha oo noqotay meesha ugu musuqmaasuqa badan iyo baraanij naxdin leh oo laga sameeyay + Sharmaake geele.
May 25, 2017 - Written by Wariye:

sharmaake geeleHargeisa (WJN):-gudoomiyaha haayada shaqaalah Sharmaake Geele  ayaa ku fashilmay waxqabada xukuumadu u igmatay iyo hanaanka maamulnimo ee haayada shaqaalaha qaranka jamuuriyada somaliland

in kasta oo ay samuuliyiinta dawladu ay ku dadalaan inay cadaalad sameeyaan hadana  way ku sii kala duwan yihiin ku dhiiranaanshaha boobka hantida umada agoomaha dadka saboolka kuwaasi oo aan cidna iska eegay si toos ahna u xalaashanaya hantida umada.

nasiib daro gudoomiyaha haayada shaqaalaha sharmaake geele ayaa noqday kii ugu ayaan ka darnaa ee si toos ah wax u musuqmaasuqa iyada oo aan cidna layska eegayn cabsida allahna waa hore ugu dambaysay.

in kasta oo marka uu  hadlayo aad moodid in uu yahay in runlow ah laakin hadana ma aha ee waa beenaale naftiisa qarankiisa iyo umadiisaba been ku hagaya.

sida uu ku waramayo Prof: Mustafe Abdirahman Habane oo ah wiilka dulmiga laga qaaday boosishanka shaqo ee uu ku soo baxay ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen

waxa u sheegay in uu markii uu ka soo gudbay qaybihii loogu talo galay inay kala saraan dadka u tartamay shaqada ay haayada shaqaaluhu soo xaysiisay ayaa waxa warbaahinta loo gudbiyay xubnahii ku guulaysay shaqada oo uu ka mid ahaa Prof: Mustafe Abdirahman Habane laakin nasiib daro waxa la kulmay sida aad video ga ku daawan doontaan

maan jeclaysan in aan sharaxaad ka bixiyo aniga oo ka xun arinta foosha xun ee uu sameeyay gudoomiyaha haayada shaqaaluhu sharmaake geele.

halkan ka daawo barnaamijkan oo dhamaystiran

https://youtu.be/NIcIpdpehlI

 

 

maalmaha soo socdana waxan idiin soo gudbin donaa xogo kale oo ku saabsan musuq maasauqa haayada shaqaalaha iyo hadaladii dhaxmaray Prof: Mustafe Abdirahman Habane iyo masuuliyiin kale oo dhacdooyin lamida ka waramaya

 

 

Wajaalenews.net

Hsrgeisa Office

Wariye Madaxbanaan Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS