Xisbiga Wadani Oo Soo Dhaweeyey Taageerayaashii Ugu Badnaa Ee Kasoo Digo Rogta Xisbiga kulmiye Ee Gobolka Gabiley Iyo Weedhihii Laga Yidhi Madasha + sawirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Soo Dhaweeyey Taageerayaashii Ugu Badnaa Ee Kasoo Digo Rogta Xisbiga kulmiye Ee Gobolka Gabiley Iyo Weedhihii Laga Yidhi Madasha + sawirro.
May 25, 2017 - Written by Editor:

GABILEY (W,N) Musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisiga mucaaradka ee Wadani Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay wehelinayeen masuuliyiinta heer qaran ee xisbigaasi ayaa maantaa magaalad Gabiey ku qaabilay inay soo dhaweeyaan taageerayaashii ugu badnaa ee kazoo diga-rogtay xisbiga Kulmiye.

Waftiga xisbiga wadani ayaa waxaa kale oo ku wehelinayay musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisibigaasi masuuliyiinta ay ka midka yihiin xogahaya guud ee xisbigaasi, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale, Madaxa ololaha xisbiga ee heer qaran Mudane Xamse C/raxmaan Khayre, Xildhibaan Qabile, Xoghayaha Maaliyada C/risaaq Khaliif, Siciid Sulub iyo Masuuliyiin kale oo aad u tiro badan oo dhamaantood iska daba maray inay bulshada reer Gabiley usoo bandhigaan dhaliilaha wax laga qaban karayey ee xukuumadani dayacday intii ay xilka haysay.

wadani gabiley 1

“Reer Gabileyoow waxaad ka codayseen xisbigaa muxaafadka ahaa ee la odhan jiray UDUB. UDUB maxaad ku haysateen ee aad uga codayseen. Wuxuu idin siiyey gobolnio, madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu idin siiyey gobol, wuxuu idin siiyey afar degmo, biyuu idiin soo saaray, waxbarashada jaamacad buu idiin sameeyey, agaasimayaal iyo wasiiro faro badan baad ku lahaydeen. Isaaqnimaad ku codayseen. Maanta hadaad Sacad Muuse-nimo ku codaysaan waxba heli maysaan inta yar ee idiin hadhayna waad waayi doontaan.…” Madaxa Ololaha Xisbiga Wadani ee heer qaran Xamse C/raxmaan Khayre.

wadani gabiley 3

“Gabiley sidii ay dhalinyaradu hore ugu sheegtay cid u ma xidhna. Maanta Gabiley waxay u tashanaysaa oo ay ka tashanaysaa oo ay u xidhan tahay danteedu halka ay ku jirto. Musharax baan ahay oo waxaan musharax u ahay guud ahaan Somaliland gaar ahaan gobolada Galbeedka Somaliland oo aan kazoo Jeedo, sida Saaxil ilaa Saylac…” Muharaxa Madaxwayne ku xigeenka xisbiga Wadani Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi.

“Reer Gabiley maanta ducaa ku dhacday anaguna (Wadani) waan u ducaynaynaa; ducadaana illaahay ha u aqbalo oo ha u rumeeyo. Reer Gabiley horaan uga filaynay sidan oo kale yeeli doonaan. Siday ay Gabiley yeesho ayay Somaliland u ekaanaysaa…” Mujaahid Farhaan Faacuul oo ahaa aasaasihii ciidankii xeebta ee SNM.

“Qolada Xisbiga Kulmiye ee Gabiley ee leh waxbaanu dili iyo Gabiley masoo gali kartaan Waxaan leeyahay qolada Kulmiye ee gobolka Gabiley; waar godobihii aad hore noo galiseen baan ka bixi kari laanehee; godob cusub ha na galinina…” Gudoomiyaha gobolka Gabiley ee xisbiga Wadani Xildhibaan Xasan Axmed Aadan.

tukaale iyo badi haldoorka subeer awal ee xisbiga wadani iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo kazoo qaybgalay munaasibad loo qabtay kooxo dhaliyo ah oo iskabadal doonka ah iyo sheekhul badalka gobolka gabiley oo iyagu si adag u dhaliilay hanaanka xisbiga kulmiye iyo sida uu u baabiiyay shacabka gobolka gabiley

Munaasibadaasi oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kale oo Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani ayaa xafad balaadhan magaalada gabiley ugu qabtay taageerayaal culus oo kazoo diga rogtay xisbi xaakimka kulmiye kuwaasi oo munaasibda looguqabtay huteelka bookh ee magaalada gabiley

 

Waxaa ugu horay munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha gobolka gabiley xildhibaan xasan  dhgajar oo isagu halkaa ka jeediyay kelmado soo dhawayay oo uu ku qaabilay taageerayaasha

Sidoo kale Waxaa isna madashan ka hadlay xildhibaan cali shiine oo kamida xildhibaanada golaha deegaanka ee xisbiga wadani  gabiley oo ku dheeraadaay in xiligan dalku u baahan yahay isbadal siyaasadeed oo wax ka badala mustaqabaka Somaliland

Waxaana sidoo kale masshadan hadalo taabnaya bahida dhabta ah ee shacabka gobolka gailey jeediyay

Sheekhul badalka gobolka gabiley  ciise kheekh muxumed warsame oo isagu si adag u dhiilaay hanaanka siyaasiyiinta reer gabikey oo ka tirsan xukuumada siilaanyo iyo sida ay u hagradeen shacabkii ay masuuliyadu ka saaraynayd

Waxaa iyana goobtan ka hadlay dhaliyaro kala duwan oo ay ugu horayso xil, amaal caydaruus  kuwo kale oo ku dheeraaday sobobaha ay xiligan ku dorteen xisbiga wadani oo ay ku tilmaameen in uu yahay xisbiga kaliya ee badbaadin kara minimada shacabka somliland

Sidoo kale madaxa ololaha xisbiga wadani xamse cabdiraxmaan khayre ayaa ku dheeraaday adeegyada ay u baahan yahay gobolka gabiley  sida ay xukuumada siilaanyo u hagratay

Waxaan augu danbayn musaanisab soo gunaanaday murashaxa madaxwayne kuxigeen ee xosbiga wadani ambassador maxamed cali aw cabdi oo madashan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ,

 

GABILEY OFFICE

WAJAALENEWS DESK

 

 

 

COMMENTS
LINKS