Ma Mudan Yihiin Murashaxiinta Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye In Mar Labaad Bulshada G/Gabiley Hagar- La”aan U Taageerto? FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Mudan Yihiin Murashaxiinta Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye In Mar Labaad Bulshada G/Gabiley Hagar- La”aan U Taageerto? FAALO
May 30, 2017 - Written by Editor:

Bulshada G/Gabiley Waxay Maanka Iyo Maskaxda Ku Hayaan Kaalintuu Ku Lahaa Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Qaabkii Foosha Xumaa Ee Xukuumada Xisbiga Kulmiye Ula Dhaqantay Maareeyihii Haamaha Barbara Aqooyahan Sacad Cilmi Khadari  Iyo  Taliyayaashii Hore Ee Ciidamada Qaranka S/land? Qormadii: 1 Aad 

“Waxaa la Gaadhay Waqtigii Bulshada G/Gabiley kala Dooran lahayd kala Qaybin Iyo Siyaasada Guracan Ee Qabyaalada Salka ku haysa Ee Xisbiga Kulmiye Isla Markaana ay ku Badali Lahayd Wadajirka ,Midnimada Iyo Qaranimada S/land!!,

kulmiye iyo gabiley

 

GABILEY (W,N) Waa Tuftii Qoraaga oo Qormooyin Taxane ah Tilmaamo kooban kaga bixin doono Murashax Madaxwayne oo Go”aansaday in uu Tartankii Xisbiyada Siyaasada ku badalo Tartan Qabiil, waa Qomooyin aan ku lafo guri doono Taariikhda madaw ee ku gadaaman Sooyaalkiisa Siyaasadeed Murashax Madaxwayne oo u Tababaran kuna Takhasusay sida loo Tamceeyo loogana Takhaluso Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Damaciisa Siyaasadeed ee Beesha Habar Awal , waa Tusaalayaal ku haboon Murashax Madaxwayne oo Hamuuntuu u qabay Kursiga Madaxwaynuhu Tacadiyo tiro badan u gaysatay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land, waa Qormooyin tusaalayaal ku filan ka bixin doona Murashax Madaxwayne oo u Tabobaran sida loo kala Tuuro Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land Tafaraaruq hor lehna loo galin lahaa,

hordhacaa Qormada koowaad ee Taxanahan.

Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Bushada G/Gabiley Taageero Mug iyo Miisaan leh la garab joogsadeen Xisbiga Kulmiye waqtigii uu Macaaradka ahaa isagoo Muuse Biixi Cabdi Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ka ahaa Xisbiga Kulmiye iyadoo Bulshadii G/Gabiley Mucaaradadii ay kala hor yimaadeen Xisbigii Udub iyo Xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ay ku Hungoobeen Sannado danbe Diiwaanada Taariikhda lagu xusi doono Hadimooyinkii Bulshada G/Gabiley ka soo gaadhay Taageeradii Baaxada lahayd ee ay la garab joogsadeen Xisbiga Kulmiye waqtiguu Mucaaradka ahaa, waxaana iswaydiin mudan maxay kala kulmeen Bulshada Gobolka Gabiley Taageeradii Baaxada lahayd ee ay la garab joogsadeen Xisbigii Kulmiye ? Muxuu ugu Abaal guday Xisbiga Kulmiye Bulshada G/Gabiley ee Jibadiisu qaaday ? Ma ka heleen Xisbiga Kulmiye Xurmadii iyo Mansabyadii Muga iyo Miisaanka lahaa ee ay ka hayeen Xisbigii Udub iyo Xukuumadii Daahir Rayaale ee ay Mucaaradka ku ahaayeen ?  Maxaase u saboba karaamo dhaca iyo badalada dagdaga ah ee Masuuliyiinta Dawlada dhexe ee G/Gabiley ? Maxaase saboba in isku shaandhayn kasta ay ku waayaan kursi ama Mansab ay ku lahaayeen Dawlada dhexe ? Maxaase u sabob ah in Kursi iyo Mansab wayn oo laga qaado Masuuliyiinta G/Gabiley loo Magacaabo Masuuliyiinta Deegaanka Galbeedka Hargaysa u dhashay ee Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye ka soo jeedo ? Ma Jirtaa Sabab ay ku Taageeraan Madaxdhaqmeedka G/Gabiley Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye ? Miyaanse la gaadhin waqtigii Bulshada G/Gabiley ay kalsoonida kala noqon lahayd Xisbiga Kulmiye ee Taageeradooda iskugu gayn lahaayeen Xisbiga Wadani?

nuux ismaacil taani

General Jidhif

Mar kale waxaa hubaala in Bulshada G/Gabiley taabatay Dabayshii isbadal doonka iyadoo Dareenka Shacabku ka turjumayo sida ay u Diidan yihiin in ay mar labaad Codkooda Siiyaan Kooxdii Kulmiye ee kala socotay hadana wada socotay iyadoo Bulshada G/Gabiley Sideed Sanno ka dib go”aansatay in ay ka leexdaan Dariiqii Qodaxda badnaa ee Shalay Hadimooyinka badani ka soo gaadheen,waxaana la gaadhay Waqtigii Bulshadii G/Gabiley Ganafka ku dhufan lahayd Tolayda iyo Qabyaalada Dhibteedii hore u soo arkeen , mar kale waxaa la gaadhay Waqtigii Bulshada G/Gabiley kala dooran lahayd kala qaybin iyo Siyaasada Guracan ee Qabyaalada Salka ku haysa ee Xisbiga Kulmiye isla markaana ay ku badali lahayd Wadajirka ,Midnimada iyo Qaranimada S/land, mar kale waxaa la gaadhay waqtigii Bulshada Gabiley ay ka Xoroobi lahayd Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye ee hore loo soo Tijaabiyay Hogaamintooda.

Mar kale waxaa hubaala in Munaasibadii Waynayd ee Maalintii Khamiistii Taariikhduna ahayd 26/5/2017 Xisbiga Wadani Gabiley ku qabtay ay fariin cad u tahay Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isla markaana hadalkii Murashaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Wadani Ambasador Maxamed Cali Aw Cabdi Bulshada G/Gabiley ay badashay Jawigii hore ee Bulshada G/Gabiley iyadoo Maalinba Maalinta ka danbaysa si Xawli ah u soo kordhayaan Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani waxaana Magaalooyinka G/Gabiley ka kooban yahay ka socda Kulano iyo Shirar ay Bulshada Qaybaheeda kala duwani isku Abaabulayso sidii ay Midnimo Taageero Xoogan ugu siin lahaayeen Xisbiga Wadani ,iyadoo Goobaha lagu kulmo Waqtiga Habeenkii aad ku Arkayso Dhalinyaro, Waayeel iyo Aqoonyahano ku kala Aragti duwanaa Saaxada Siyaasada oo wada Taageersan Xisbiga Wadani, waxayna Dadka Arimaha Siyaasada ka faalooda Saadaaliyeen in ay Waji kale yeelatay Saadaashii laga qabay in Bulshada Gabiley ee ahayd in ay Qabyaalad ku dooran doonaan Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye.

Isku soo wada duubuu waxaa hubaala in Bulshada G/Gabiley Maanka iyo Maskaxdaba ku hayaan Kaalintuu Ku Lahaa Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Biixi Qaabkii Foosha Xumaa Ee Xukuumada Xisbiga Kulmiye Ula Dhaqantay Masuuliyiin Tiro Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Maareeyihii Haamaha Shidaalka Berbera Aqooyahan Sacad Cilmi Khadari  Iyo  Janankii Hore Ee Ciidamada Qaranka S/land Muj Janaral Maxamad Xasan Jidhif  iyo Xurmo darradii ay ka dhaxlayn Taageeradii Qabyaalada ahayd ee ay hore ugu doorteen Xisbiga Kulmiye iyagoo Aqoonyahanka,Dhalinyarada,Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta G/Gabiley ay Wacad ku mareen in ay Taageeradooda la garab joogsanayaan  Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiga Wadani waa Barri iyo Bill Danbe.

TOTAL

La Soco Qormada Labaad Oo Diirada Ku Saari Doono Hadimooyinkii Bulshada G/Gabiley Ka Soo Gaadhay Labadii Sanno Ee Ugu Horeeyay Guushii Xisbiga Kulmiye iyo xusuuusta jalaafooyinkii siyaadadeed ee muuse biixi kula kacay mujaahidiin faro badan oo kazoo jeeda gobol gabiley,

xasan yoonis habane

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS