Kooxda Real Madrid Oo Dalabka Cusub usoo Bandhigtay Tababaraheeda Zinedine Zidane! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Real Madrid Oo Dalabka Cusub usoo Bandhigtay Tababaraheeda Zinedine Zidane!
June 4, 2017 - Written by Editor:

Skynews (W,N) Gudoomiyaha Naadiga Real Madrid ee Dalka Spain Florentino Perez ayaa u soo bandhigay Tababaraha kooxda real-Madrid Zinedine Zidane inuu naadiga la joogo inta noloshiisa ka hadhay.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa noqday tababarihii ugu horeeyey ee labo sano oo isku xiga kooxda u soo hooya koobka kubadda cagta ee kooxaha Horyaalada Yurub, ka dib markii uu ciyaartii kama dambaysta ahayd 4-1 kaga badiyey kooxda Juventus ee Dalka Talyaaniga.

Ciyaaryahanka Ronaldo ayaa sidoo kale waxa uu sanadkan ku guulaystay  gool dhalinta tartanka kooxaha horyaalada Yurub sanadkii Shanaad ee xidhiidh ah.

siidane

Dhanka kale Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo oo ah xidiga kooxda Real Madrid ayaa ciyaartaasi ka  dhaliyey goolkiisii 600 ee rasmi ah mudadii uu xirfadyahanka ahaa, waana goolkii labaad ee uu ka dhaliyey ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Habeen hore la ciyaaray, ahaana goolkii sadexaad ee kooxda.

Ronaldo ayaa kooxdiisa haatan u dhaliyey 406 gool, Kooxdiisii hore ee manchestar United ee Dalka ingiriiskana u dhaliyey 118 gool, kooxdii uu ka kacaamay ee Dalkiisa Bortuqaal ee Sporting Lisbona iyana u dhaliyey 5 gool, halka uu 71 Gool oo kalena u dhaliyey Xulka Dalkiisa bortuqiiska.

 

Hussein kurdi

xogtadunida.com

COMMENTS
LINKS