Majalada Forbes Oo Soo Saartay Kooxaha Kubbada Cagta Aduunka Ee Ugu Qiimaha Badan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Majalada Forbes Oo Soo Saartay Kooxaha Kubbada Cagta Aduunka Ee Ugu Qiimaha Badan
June 6, 2017 - Written by Reporter:

Majalada Forbes oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa ah tan aduunka ugu horaysa ee soo saarta qiimaynta hantida shaqsiyaadka, shirkadaha iyo kooxaha aduunka waana majalada loo daba fadhiisto qiimaynta arimaha dhaqaalaha waxayna si joogto ah u soo saartaa hantida ay haystaan shaqsiyaadka aduunka si la mid ah shirkahada iyo kooxaha aduunku.

 

Qiimayntii ugu danbaysay ee ay Forbes soo saartay waxay diirada ku saartay kooxaha kubbada cagta aduunka ugu qiimaha badan waxaana tobanka kooxood ee ugu hantida badan shan ka mid ahi ay ka soo jeedaan horyaalka Premier Leaque-ga.

 

Manchester United ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay kaalinta kowaad ee qiimaynta hanitda kooxaha aduunka ee Forbes halka Real Madrid oo kaalinta kowaad ku soo jirtay ay kaalinta labaad u dhacday waxaana ka soo sare martay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona.

Forbes ayaa shaacisay in hantida Manchester United ay tahay 3.69 bilyan dollar una dhiganta 2.86 bilyan gini halka kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Barcelona ay hanteedu tahay 3.64 bilyan dollar oo udhiganta 2.82 bilyan gini halka Real Madrid oo kaalinta saddexaad u dhacday uu qiimaha aduunkeedu yahay 3.58 bilyan dollar oo u dhiganta 2.77 bilyan gini.

 

Haddaba qiimaynta majalada Forbes ee hantida tobanka kooxood ee aduunka ugu sarreeya halkan kaga bogo iyo koox kastaaba qiimaha hantideeda oo ku qoran dollar oo tirada hore ah iyo gini oo tirada qoyska ku jirta ah.

 

1) Manchester United – US$3.69bn (£2.86bn)

2) Barcelona – $3.64bn (£2.82bn)

3) Real Madrid – $3.58bn (£2.77bn)

4) Bayern Munich – $2.71bn (£2.10bn)

5) Manchester City – $2.08bn (£1.61bn)

6) Arsenal – $1.93bn (£1.50bn)

7) Chelsea – $1.85bn (£1.43bn)

8) Liverpool – $1.49bn (£1.15bn)

9) Juventus – $1.26bn (£980m)

10) Tottenham – $1.06bn (£820m)

 

COMMENTS
LINKS