Shaxdan Aduunka Ugu Qaalisan Kubbada Cagta Oo Lasoo Saaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaxdan Aduunka Ugu Qaalisan Kubbada Cagta Oo Lasoo Saaray
June 6, 2017 - Written by Reporter:

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furmi doona July 1, 2017 laakiin haddaba waxa socda olole wayn oo ay kooxuhu heshiisyo kaga sii saxeexanayaan ciyaartoyda ay doonayaan in ay la soo wareegaan. Saadaasha la bixinayo waxaa muuqata in xili suuqa xagaagani uu noqon doono mid waxyaabo lala yaabo lagu arki doono isla markaana ay kooxo badani jabin doonaan rekoodhka suuqa ee kooxahooda.

Haddaba waxaa la maqlayaa kooxo gudbiyay dalabyo lala yaabay oo gaadhaya ilaa 135 milyan oo eruos balse waxaa la sugayaa suuq ay si wayn kooxaha Yurub ugu dagaalami doonaan ciyaartoy si khaas ah loo doonayo.

Laakiin waxaa jira liis ciyaartoy laga sameeyay shaxda kooxda aduunka ugu qaalisan oo hadda rekoodhkan haysta balse waxaa la filayaa in qaar badani ay shaxdan laga bixi doono.

 

Haddii aan soo qaadano shaxda hadda kooxda aduunka ugu qaalisan waxaa goolka ugu jira Buffon oo ay Juventus kula soo wareegtay 44.95 milyan gini laakiin rekoodhkiisa ayaa la filayaa in uu noqon doono mid aan sii jiri doonin haddii ay Manchester United ogolaato heshiiska 60 milyan gini  ee ay Real Madrid ku doonayso David De Gea waxaana shaxdan ku wareegi kara De Gea.

waxaa shaxda kooxda aduunka ugu qaalisan difaaca ugu jira David Luiz, Dani Alves, John Stones iyo Luka Shaw laakiin iyada oo kooxaha Yurub ugu waa wayni ay difaacyo badan suuqa ka doonayaan waxaana ugu horeeya ee la filayaa in uu shaxdan qayb ka noqon doono difaaca Southampton ee Virgil van Dijk kaas oo ay Liverpool ku hogaaminayso  60 milyan oo gini isla markaana ay Man City iyo Chelsea kula tartamayaan.

Paul Pogba oo 89.25 milyan gini ah iyo James Rodriguez oo 63.75 milyan gini ay khadka dhexe ugu jira kooxda aduunka ilaa hadda ugu qaalisan halka Cristiano Ronaldo (79.9 miliyan gini) iyo Gareth Bale oo 85.85 milyan gini Madrid ugu biiray ay shaxdan ugu jiraan labada garab laakiin afartan xidig ayaa laga badali karaa shaxdan haddii ay dhacaan saxeexyo waa wayni.

 

Gonzalo Higian oo Juventus ugu soo biiray 76.5 milyan gini iyo Neymar JR oo 74.97 milyan gini ugu soo biiray Camp Nou ayaa shaxdan dhamaystiray laakiin xidigo ay ka mid yihiin da’yarka kooxda AS Monaco ayaa rekoodhadan wax wayn ka badali kara.

 

Halkan kaga bogo shaxda ilaa hadda aduunka ugu qaalisan.

 


 

COMMENTS
LINKS