Halkan Akhri: Liiska Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Ugu Sareeya Iyo Baasaboorada Wadamada Ajaanib ka ah Ee ay Sitaan, + Waxa Uu Kaga Duwan Yahay ka Uu Sito Prof Ismaaciil Mahdi Buubaa??? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Akhri: Liiska Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Ugu Sareeya Iyo Baasaboorada Wadamada Ajaanib ka ah Ee ay Sitaan, + Waxa Uu Kaga Duwan Yahay ka Uu Sito Prof Ismaaciil Mahdi Buubaa???
June 10, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Madaxda Ugu Saraysa Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo,Hogaamiyayaasha Asxaabta Qaranka Somaliland Iyo Baasa boorka Wadamada Shisheeye Ay Sitaan,Dalal ay kala yihiin.

pasapoor british

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku safraa oo uu wataa baasaboor diblomaasi Soomaali ah oo ciqaamad ama degenaansho ingiriis ahi saaranyahay.

dagalka siilaanyo

Madaxwayne kuxigeenka baasaboor jabouti ah

Wasiirka madaxtooyada baasaboor ingiriis ah

Wasiirka arimaha dibada baasaboor ingiriis ah

Wasiirka arrimaha gudaha baasabor ingiriis ah

Wasiirka qorshaynta baasaboor ingiriis ah

Wasiirka gaashandhiga baasaboor ingiriis ah

Wasiirka cadaaladda baasaboor ingiriis ah

Wasiirka ganacsiga baasaboor Ethiopian

Wasiirka duulista baasaboor ingiriis ah

Wasiirka warfaafinta baasaboor maraykan ah

Wasiirka caafimaadka baasaboor maraykan ah

Wasiirka maaliyadda baasaboor ingiriis ah

Wasiirka deegaanka baasaboor maraykan ah

Wasiirka golayaasha baasaboor ingiriis ah

Wasiirka boosaha baasaboor ingiriis ah

Wasiirka macdanta baasaboor maraykan ah

Wasiirka wershadaha baasaboor Jibouti ah

Wasiirka xananada xoolaha baasabor Jibouti

Wasiirka cayaaraha baasaboor Jibouti ah

Taliyaha sirdoonka baasaboor Ethiopian ah

Guddoomiyaha bangiga baasaboor ingiriis

Afhayeenka madaxtooyada baasaboor ingiriis

Xeer ilaaliyaha guud baasaboor ingiriis ah

Safiirka Jibouti baasaboor ingiriis ah

Safiirka Emirateka baasaboor ingiriis ah

Safiirka SL dalka UK baasaboor ingiriis ah

Safiirka SL Ethiopia baasaboor ingiriis ah

Safiirka SL Sweden, baasaboor Swedish ah

Safiirka SL Maraykan, baasaboor maraykan ah

Wasiir ku xigeenadda 90% baasabooradda Ingiriiska,Maraykanka, Canada, Jibouti iyo Ethiopia.

Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye baasaboor Jibouti ah

Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda baasaboor Finnish ah Finland

Ku xigeenka musharaxa Madaxweyne xisbiga WADDANI baasaboor ingiriis ah

Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga UCID Baasaboor Finnish ah Finland

Guddoomiyaha golaha guurtida baasaboor ingiriis ah

Guddoomiye ku xigeenka 1aad golaha wakiiladda baasaboor Canadian ah, 70% xildhibaanadda golaha wakiiladdu baasabooro ingiriis, Dutch, Swedish, Danish, Jibouti, Ethiopian iyo maraykan,

Madaxda haayadaha madaxa bannaan iyo kuwa dawladda tiro ma leh.

maxamuud xashi

wasiir cadaani

Marka Somaliland nimaddii meeday?

Maxaa loo waayay cid ku safarta baasaboorka dalka jamhuuryada Somaliland leeyahay?

Si kastaba ha ahaatee dadka had iyo jeer loo dhiibo xilka ayaa u badan dad qurbo joog ah ama ku xidhan wadanada jaarka taas oo keenta in lexejeclo badan aanay siin dalka,waxaana shacabka Somaliland Fajiciso ku noqotay Arinta in Prof. Buubaa sida badheedh ah lagaga hor istaagay inuu si xor ah  dalka uga baxo  isaga oo sita mid la mid ah ka uu siilaanyo sito ee uu dalka kaga baxo marka uu dhoofayo.

 

 

Qoraa Cabdiraxmaan Xaaji Nuur

COMMENTS
LINKS